Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Sadio Mane Oo Uu Ku Dhacay

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa la geliyey karantiil markii laga helay xanuunka Korona Fayras sida ay kooxdiisu shaacisay xalay, waxaanu noqday ciyaartoygii labaad ee Reds ka tirsan ee uu Korona Fayras ku dhaco.

Thiago Alcantara ayaa toddobaadkii hore uu xanuunkani ku dhacay, waxaanu seegay labadii kulan ee Arsenal ee Premier League iyo Carabao Cup, laakiin waxa haddana war xun usoo yeedhay tababare Jurgen Klopp oo lagu wargeliyey in Sadio Mane uu isagana ku dhacay xanuunkani.

Sadio Mane iyo Thiago ayaa labaduba maraya nidaamka loo dejiyey in lagu ilaaliyo dadka uu xanuunkani haleelo, waxaanay qaadan doonaan min toban maalmood oo karantiil ah, taas oo ka dhigan in aanay ciyaari doonin kulanka Aston Villa ay Liverpool martida ugu noqon doonto Axadda.

Reds ayaa rajaynaysa in ciyaaryahannadeedani ay soo kaban doonaan inta lagu maqan yahay kulamada caalamiga ah oo toddobaad iyo dheeraad ah, laakiin waxa kale oo ay wadnaha farta ku hayaan haddii ciyaaryahanno kale oo kooxdeeda ahi ay xanuunkan halis ugu jiraan, maadaama ay isku-dhex jireen illaa Mane iyo Alcantara mid walba gaarkiisa xanuunkan looga helayay.

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa farriintii u diray jamaahiirta Liverpool kaddib markii uu xanuunku haleelay, waxaanu uga warramay sida xaaladdiisu tahay.

Mane waxa uu sheegay inuu dareemayo calaamado yaryar oo xanuunkan ah, isla markaana uu si degdeg ah usoo kaban doono.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ayuu ku yidhi: “Hello, waxa la iga helay xanuunka laakiin waxa aan dareemayaa inaan wanaagsanahay, mana jiraan calaamado waaweyn oo iga muuqda. Waxa aan bilaabayaa karantiilkayga iyo inaan si degdeg ah uga soo kabto.

“Hubiya inaad badqab tihiin oo aad raacaysaan tilmaamaha aad xanuunkan kaga ilaalinaysaan naftiina iyo kuwa aad jeceshihiin, maadaama uu xanuunkani mar kale dunida oo dhan ku faafayo.

“Waxa aan soo laaban doonaa anigoo sidii hore ka xooggan! Wada-jir ayaanaynu kaga gudbi karnaa dhibaatadan.”

Dhinaca kale, Liverpool ayaa warbixin ay soo saartay waxya ku tidhi: “Waxa ka muuqda calaamado yar oo fayraska ah laakiin guud ahaan caafimaadkiisu wuu wanaagsan yahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More