Waa Sidee Xaalada Dhaawac Ee Goolhayaha Chelsea Ee Mendy Miyuuse Gabi
Kooxda Chelsea iyo tababaraheeda Thomas Tuchel ayaa wer-wer xoogan ka qaba xaalada dhaawac ee goolhaye Edouard Mendy kaas oo bedel kaga baxay kulankii ay guuldarrada 2-1 ka ah shalay kala soo kulmeen Aston Villa.
Mendy ayaa ku qasbanaaday inuu dhaawac kaga baxo ciyaartaas wakhtigii nasashada kaddib markii uu isku dayay inuu badbaadiyo goolkii furitaanka ee Bertrand Traore balse uu taas bedelkeeda birta goolka jiidhay.
Mendy ayaa maanta mari doona tijaabo lagaga samaynayo feedhaha si loogu ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawaciisu iyo fursada uu diyaar ugu noqon karo Final-ka UEFA Champions League oo ay shan maalmood kaddib Man City ku balansan yihiin.
Tababare Tuchel oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay inay eegi doonaan haddii uu kulanka magaalada Porto ka dhacaya Sabtida diyaar u noqon doono balse qirtay inuu xanuun weyn ka dareemayo feedhaha.
TT oo xaalada dhaawaca goolhayaha ree Senegal ka hadlayay ayaa yidhi “Isagu xanuun weyn ayuu ka qabaa feedhaha, waxaanu u baahanahay inaanu sugno oo aanu sawirro ka qaadno oo aanu war cusub ka helno”
“Toddobaad ayaanu haysanaa si aanu isku diyaarino waananu eegi doonaa haddii ay macquul tahay inaynu aragno isaga oo ka qayb-qaadanaya Sabtida”
Mendy ayaa xaliyay dhibaatadii dhinaca goolka ee Chelsea tan iyo markii uu dhinaca Rennes kaga soo biiray suuqii xagaagii hore.