“Waa Mucjiso Inuu Weli Nool Yahay” – Qareenka Diego Maradona

Qareenka Diego Maradona ayaa sheegay inay mucjiso tahay inuu weli nool yahay halyeeyga kubada cagta.

Xiddigii hore ee kubada cagta ayaa la sawiray isagoo laga saarayo cusbitaalka Olivos Clinic laguna qaadayo ambalaas habeenkii Arbacada.

Maradona oo sidoo kale lagu sawiray isagoo dhoolacadeynaya islamarkaana jooga sariirta bukaanka ayaa sideed maalmood ku jiray cusbitaalka ka dib markii lagu sameeyay qaliin degdeg ah madaama uu dhiig fariistay maskaxda.

Maradona ayaan wax weyn ka soo qaadin qaliinka lagu sameeyay isagoo sheegay inay tahay mid uu u balansanaa.

Laakiin qareenkiisa Matias Morla ayaa si ka duwan sidaas uga hadlay xaalada caafimaad ee 60 sanno jirkaan ka dib markii uu booqday xiddigii hore ee Napoli iyo Barcelona.

Wuxuu la hadlay saxaafada ka dib markii uu ka tagay cusbitaalka Olivos Clinic oo ku yaala banaanka magaalada Beunos Aires ee caasimada Argentina.

“Diego wuxuu khibrad u soo yeeshay wixii ugu adkaa noloshiisa abid” ayuu yiri qareenka.

“Waxaan qabaa inay mucjiso tahay in la ogaaday in dhiig uu maskaxda kaga furmay sababtoo ah nolosha ayuu ku waayi lahaa.”

Inkastoo Maradona laga soo fasaxay cusbitaalka hadana waxaa lagu sii daweyn doonaa gurigiisa isagoo sidoo kale qaadanaya dawooyin kale oo la xiriira cuduro kale uu qabo si in jirkiisa uusan ka maarmin khamriga.

Qareenka ayaa hadalkiisa raaciyay: “Diego xaalad fiican ayuu haatan ku jiraa, wuxuuna doonayaa inuu xal u helo dhibaatooyin kale uu qabo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More