Waa Maxay Habaarkani? – Difaac Kale Oo Ka Dhaawacmay Actual Madrid Xilli

0

Actual Madrid ayaa dhaawac kale uu ku habsaday intii ay socotay ciyaartii ay xalay barbarraha la galeen Sevilla, taas oo Zinedine Zidane ay kooxdiisu si adag ugu dagaallantay dhamaadkii sidii ay u heli lahayd dhibic ka badbaadisa guul-darro ay qarka u saarnaayeen.

Kooxda reer Spain ayaa waxa toddobaadkii hore dhaawacyo ay kaga  baxeen Sergio Ramos iyo Ferland Mendy oo garoomada kusoo laabtay kulankii Chelsea, laakiin waxay labadooduba awoodi waayeen in ay kulankii Sevilla kasoo qayb-galaan.

Raphael Varane ayaa hore ugaga maqnaa dhaawac laba toddobaad uu ku fadhiyayo, waxaase ka horreeyey oo xilli ciyaareedka macasalaameeyey Lucas Vazquez iyo Dani Carvajal.

Alvaro Odriozola oo qaab ciyaareed wanaagsan muujiyey xalay, ayaa waxa uu ciyaarta ku dhamaystay dhaawac, iyadoo ay jug soo gaadhay intii ay ciyaartu socotay.

Difaacan hore ee Actual Sociedad ayaa sameeyey taakalo iyo hirdan badan, iyadoo uu difaac ahaan iyo weerar ahaanba u ahaa mid shaqo badan qabtay.

Laakiin nasiibkiisa kulanka kuma dhamaysanin taam ahaansho buuxa, waxaana uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa lugta midig.

Actual Madrid ayaa maanta warbixin kasoo saaraysa inta uu le’eg yahay dhaawacan iyo muddada uu garoomada ka maqnaan doono Alvaro Odriozola, waxaana shaki la gelinayaa haddii uu taam u noqon karayo kulanka Khamiista ee Granada.

Los Blancos ayaa Khamiista u tegi doonta Granada, waxaanay ku qasban yihiin in ay guul ka keenaan haddii ay doonayaan in ay horyaalka kusii tartamaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More