Waa Kuwan Shaqsiyaadka Lama Filaanka Ah Ee Uu Guardiola U Hibeeyay

Tababaraha kooxda Manchester Metropolis ee Pep Guardiola ayaa si lama filaan ah xiddigihii hore ee kooxdiisa ugu hibeeyay guushii weyneyd ee ay xalay ka gaadheen dhigooda ree France ee Paris Saint-Germain oo ay 2-0 ku khaarajiyeen ciyaar ka dhacday gegida Etihad Stadium.

Riyad Mahrez ayaa markale noqday geesiga Sky Blues isaga oo ahaa midka labada goolba dhex dhigay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Keylor Navas ciyaar ay wadar ahaan 4-1 kaga adkaadeen PSG.

Metropolis ayaa sidaas ku gaadhay kulanka kama dambaysta ah ee Champions League markeedii ugu horreysay taariikhda iyagoo sugi doona midka Chelsea iyo Actual Madrid soo baxa caawa.

Pep ayaa isaga oo guushaas ka hadlaya kulanka kaddib yidhi “Qofkasta wuu ka qayb qaatay, waxa jira wax xiddigaha cirka laga qoray oo ka qayb qaadanaya”

“Waa tartan aad u adag, guushan waxaiska leh ciyaaryahanadii naga horreeyay Colin Bell iyo Mike Summerbee iyo kuwii halkan joogay markii aan imid, Joe Hart, Pablo Zabaleta, Vincent Kompany, David Silva, ciyaartoy aad u badan ayaa naga caawiyay heerkan iyo ragga kasoo jeeda Abu Dhabi (Mulkiilayaasha), waxaan doonayaa inaan dhammaantood la wadaago”

Metropolis ayaa iska xaadirisay kulanka Istambul lagu ciyaarayo 29-ka bishan Might iyaga oo midka Chelsea iyo Actual Madrid caawa soo baxa halkaas kula balansan.

Dhinaca kale Pep ayaa ku hoggaaminaya Metropolis horyaalka Premier League markeedii saddexaad afar sano gudaheed iyaga oo ku xaqiijisan kara guul ay Chelsea ka gaadhaan toddobaadkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More