Waa Kuwan LABADA Xiddig Ee Man United Ka Tirsan Ee Uu Jose

Kooxda Tottenham ee uu hoggaanka u yahay tababare Jose Mourinho ayaa Axadii toddobaadkan guuldarro fadeexad ah dhabarka usoo saartay kooxda Manchester United oo ay ku booqdeen gegida Old Trafford.

- Advertisement -

Sida ay sheegayso warbixin cusub oo hadda la helayaa, mid kamida sababihii ay Spurs kulankaas ku guuleysteen ayaa ahayd inuu Jose oo aqoon fiican u leh kooxdiisii Man United uu u sheegay laba xiddig oo ay gaar u bar-tilmaameedsadeen ciyaaryahanadiisa Tottenham.

Labada boos ee uu Jose u sheegay inay bar-tilmaameed ka dhigtaan xiddigaha kala ah Mason Greenwood iyo Marcus Rashford, sababta ayaan ahayn inay weeraka ku liitaan balse ah in daafacashadoodu xuntahay.

Mourinho ayaa u sheegay ciyaaryahanadiisa inay garbaha daafaca Man United galaan sababtoo ah in Wan-Bissaka iyo Luke Shaw aysan caawimo daafacasho ka heli doonin Rashford iyo Greenwood.

Hanaanka uu u agaasimay Mourinho Spurs ayaa noqday mid shaqeeyay iyagoo 6-1 dhulka ku jiid-jiiday Red Devils walow ay kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer hoggaanka qabatay daqiiqadii 2-aad ee kulanka oo ay rigoore dhaliyeen.

Daafaca bidix ee Man United ee Luke Shaw ayaa ah midka dhibta gaarka ah mutay kulankaas iyadoo in badan oo goolasha ahi dhinaciisa ka yimaadeen, kulanka ayaa sidaas kaga sii xumaan karayay maadaama uu qalad casaan mudnaa ku galay Lucas Moura xilli dambe.

Son iyo Harry Kane ayaa ahaa labada xiddig ee dhibaatada ugu badan baday Manchester United halka xiddigaha garbaha daafaca ee Sergio Reguilon iyo Serge Aurier ay ahaayeen kuwo si weyn u raaxaystay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More