Waa Kuwan Afarta Xiddig Ee Ay Barcelona Sida Gaarka Ah Uga Dalbatay

Madaxweyne Joan Laporta ayaa u muuqda mid samaynaya waxkasta oo ay ku qaadanayso si uu iskugu dheeli tiro dhaqaalaha kooxdiisa waxaana ay haatan mushahar dhimis ka codsadeen tiro kooban oo ciyaaryahanada kooxdaas ah.

Xiddigaha ay Barca ka dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo mushaharka ay qaataan ayaa kala ah afarta kabtan ee Gerard Pique, Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Sergi Roberto sababtoo ah in mushaharkoodu yayahay mid sarreeya.

Barcelona ayaa isbedelo mushahar oo kala duwan in lagu sameeyo ka codsatay iyadoo loo eegayo tirada sanadaha ka hadhsan qandaraasyadooda iyo suurogalnimada ay heshiis cusub ku saxeexi karaan.

Inta ay socdaan wadahadalada u dhaxeeya kooxda iyo wakiilada xiddigahaas ayaa la fahamsan yahay inay jiraan ciyaartoydaasi kuwo kamid ah oo aan doonayn inay dhimaan mushaharkooda.

Saamayntii xanuunka Korona Fayras ayaa dhirbaaxo adag la haleelay Barcelona, madaxweyne Laporta ayaa doonaya dhinaca kale inuu diro xiddigo mushahar badan qaata oo laga xusi karo Miralem Pjanic, Samuel Umtiti, Antoine Griezmann iyo Philippe Coutinho.

Barca ayaa u baahan inay mushahar dhimis sameeyaan afartaas xiddig si ay u awoodo inay diiwaan gashato afarteeda saxeex ee cusub ee kala ah Memphis Depay, Eric Garcia, Sergio Aguero iyo Emerson sidoo kalena heshiis cusub uga saxeexdaan Lionel Messi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More