Waa kuma xiddiga uu xalay Guardiola sharaxay?
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku amaanay Ilkay Gundogan inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caqliga badan ee uu soo tababaray.
Guardiola ayaa sheegay inuu la dhacay qaab ciyaareedka Gundogan ciyaartii shalay ay 2-0 kaga badiyeen Borussia Mönchengladbach wuxuuna dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta si uu kooxdiisa uga caawiyo inay gaarto wareega 8-da ee CL.
Guardiola ayaa aaminsan in Gundogan uu xiiso gaar ah u leeyahay habdhaqanka kubbada isla markaana tayadaani ay ka caawin doonto inuu markasta goolal u dhaliyo kooxdiisa xilli ciyaareedkan.
Isagoo ka hadlaya guushii City ee xalay, Guardiola ayaa tilmaamay Gundogan wuxuuna yidhi: “Had iyo jeer wuxuu lahaa dareen (halka uu joogo) ciyaarta wuxuuna u ciyaaray Dortmund”.
“Waa nin cajiib ah oo wanaagsan, waa mid ka mid ah, waligay ma ilaabi doono waqtigii aan wada qaadanay, ka ciyaartoy ahaan, waa mid ka mid ah dadka ugu caqliga iyo caqliga badan ee aan abid soo tababaray, waligay ma arag isaga
“Xilli ciyaareedkaan, markasta oo uu kudhowaado goolka, wuxuu dhaliyaa goolal, wuxuu leeyahay tayadiisa laakiin intaas kaliya maahan, aad ayaan ugu faraxsanahay waxqabadka Ilkay markale iyo kooxda oo dhan”
Gundogan ayaa ahaa saxiixii ugu horeeyay ee Guardiola markii uu qabtay kooxda Man City sanadkii 2016 waxana uu ka caawiyay ku guulaysiga koobab waaweyn.
Ilkay ayaa dhaliyay 12 gool oo Premier League ah 23 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkaan iyo seddex ka mid ah 7 gool oo uu ka dhaliyay Champions League.