Waa Kuma Xiddiga Uu Sergio Aguero Ku Wareejinayo No.10 Oo Uu Sabtida

Weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero ayaa ka tegaya Man City marka ay soo dhamaato ciyaarta finalka Champions League ee Sabtida ay kula ballansan yihiin Chelsea, waxaana markaas kaddib bannaanaan doona No.10 oo 11kii sannadood ee ugu dambeeyey uu u xidhnaa kooxdan.

- Advertisement -

Sergio Aguero oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Manchester City ayuu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka bisha dambe ee June, waxaana lala xidhiidhinayaa tiro kooxo ah oo ay ugu horreyso Barcelona oo la sheegayo inuu heshiis lasii galay.

Ciyaartii ugu dambaysay horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii toddobaadkan dhamaaday, Sergio Aguero ayaa isku qoray taariikhda isagoo sii jabiyey rikoodhkii Wayne Rooney ee ciyaartoyga goolasha ugu badan u dhaliyey hal koox oo Premier League ah. 389 kulan oo uu u saftay Man City ayuu u dhaliyey 260 gool.

Pep Guardiola ayaa sheegay in Man City aanay heli karin beddelka  halyeygoodan, laakiin Sergio Aguero ayaa dareensan in uu jiro hal ciyaartoy oo ay tahay in lagu sii wareejiyo lambarka uu u xidho kooxdan, isla markaana noqon doona halyeyga isaga beddelaya.

32 jirka reer Argentina oo ka hadlayay su’aalo laga weydiinayay Twitch ayaa yidhi: “Waxaan u malaynayaa in No.10 uu xidhan doono Phil Foden. Qaar baa leh Kevin. Arrintu waxay tahay ama aan rumaysanahay, in Kevin uu la qabsaday No.10, sidaa darteed ilama aha inuu iska beddelayo. Waa sababtaas waxa aan ugu malaynayo in Phil Foden qaadan doono.”

Sannadkii 2011, markii uu Sergio Aguero yimid Manchester City, Phil Foden ayay da’diisu ahayd 11 jir, waxaana uu daawanayay Aguero oo uu taageere u ahaa xilligaas, maantana waxa uu sugayaa in uu ka dhaxlo lambarka uu bannaynayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More