Waa Kuma Xiddiga Uu Edinson Cavani Sida Gaarka Ah Uga Dalbaday
Weeraryahanka kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Uruguay ee Edinson Cavani ayaa la xusayaa inuu maamulka kooxdiisa ka dalbaday saxeexa Nicolas De La Cruz oo ka tirsan kooxda River Plate isla markaana ay ka wada ciyaaraan xulka.
De La Cruz ayaa ilaa haatan wacdarro kusoo dhigay tartanka Copa America isaga oo kusoo bilawday dhammaan saddexda kulan ee ilaa haatan Uruguay ciyaaray oo uu kamid ahaa kulankii ugu dambeeyay ee ay Bolivia guusha ka gaadheen.
Khadkan dhexe oo dhererkiisu kaliya 5’6 yahay ayaa ah mid aad loogu amaanay lug fudaydkiisa, 24 sano jirkaas ayaa ah mid kooxdiisa River Plate ay lacag 20 Milyan oo euro ah ku qiimayso.
Qaab ciyaareedka Nicolas De La Cruz ayaa ah mid uu la dhacay Cavani oo Red Devils usoo jeediyay saxeexiisa, waxa xusid mudan in Cavani qudhiisu uu heshiis kordhin hal sano oo kale ah u sameeyay kooxdaas oo uu xilli ciyaareedka 2021-22 la qaadan doono.
Manchester ayaan ahayn mid kali ku ah rabitaanka Nicolas balse sidoo kale waxa looga gacan haadinayaa dhinaca Talyaaniga oo ay ka doonayso kooxda Fiorentina.
Man United ayaa la filayaa inay dhaq-dhaqaaq muuqda ka samayso suuqa xagaagan, ilaa haatan ayay xooga saarayaan saxeexa Jadon Sancho oo ay aad ugu dhaw yihiin inay heshiis 77 Milyan oo pound ah kagala soo wareegaan Borussia Dortmund.