Waa Kuma Xiddiga Uu Bruno Fernandes Amaantiisa Uga Sheekeeyo
Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Fred ayaa shaaciyay xiddiga horyaalka Premier League ka ciyaara ee uu saaxiibkiisa kooxdaas ee Bruno Fernandes u amaano markasta tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray sanad iyo afar bilood kahor.
Xiddigaas ayaa ah garabka weerar ee kooxda Leeds United oo ay Bruno kusoo wada ciyaareen kooxda Sporting Lisbon markii uu ciyaaryahanka ree Brazil xilli ciyaareedkii 2018-19 halkaas kusoo qaatay ee uu waliba saamaynta weyn kusoo sameeyay.
Kahor kulanka galabta dhex maraya Man United iyo Leeds oo ay cadaawad weyni ka dhaxayso. Fred ayaa qirtay inay iyaga faa’ido weyn u tahay haddii uu kulanka seego Raphinha oo shaki ku jiro taam ahaanshihiisa kahor ciyaarta.
Fred oo Website-ka Man United waraysi siiyay ayaa yidhi “Bruno waxa uu ka hadlayay Raphinha tan iyo markii uu yimid, waxay kusoo wada ciyaareen Sporting”
“Isagu waa ciyaaryahan weyn oo qaadanaya xilli ciyaareed cajiib ah kooxo badan ayaana isaga isha ku haya. Isaga dhawaan ayaan la kulmay, waa nin cajiib ah, ciyaartoy heer sarre ah laakiin….waxaan filayaa inuusan naga hor iman doonin anaga (Wuu qoslay)”
“Isaga waxaan u rajaynayaa soo kabasho deg-deg ah iyo guulo badan waayihiisa ciyaareed, isagu xiddig cajiib ah ayuu u yahay Leeds sidaas darteed anaga waxa noo fiican inuusan garoonka ku jirin”
Raphinha ayaa bishii October kusoo biiray kooxda tababare Marcelo Bielsa isaga oo xilli ciyaareedkiisii koowaad ee England u yahay mid dahabi ah kaddib lix gool iyo lix caawimo oo uu soo sameeyay.
Sidoo kale Bruno oo ay asxaab dhaw yihiin ayaa isaguna caawinaya Red Devils isaga oo ilaa hadda xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan 24 gool iyo 13 caawimo soo sameeyay.
Your browser does not support the audio element.