Waa kuma Xiddiga ugu xusuusta badan Manchester United?
Ole Gunnar Solskjær ayaa Mason Greenwood u magacaabay xiddigiisa “Manchester United”.
Intii lagu guda jiray xirfadiisa ciyaareed ee Old Trafford, Solskjaer waxaa lagu yaqaanay awoodiisa dabiiciga ah ee gooldhalinta.
Guud ahaan, tababaraha reer Norway wuxuu dhaliyay 126 gool 366 kulan uu u ciyaaray Manchester United toban xilli ciyaareed, inta badan wuxuu ka soo bilaabay kursiga keydka.
Tababaraha United ayaa u arka isaga iyo akadeemiyada inay aad isugu mid yihiin, iyadoo Green Wood uu dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkii hore.
“Waxyaabo badan ayaa jira. Waxay kuxirantahay maskax ahaan iyo shucuur ahaanba. Miyaynu ka hadlaynaa awooda inaan gool u dhaliyo qof sidayada oo kale ah” ayuu Solskjaer ka yidhi kulan su’aalo iyo jawaabo ah oo uu la qaatay Manchester United.
“Waxaan dhihi lahaa Mason Greenwood waa xidigta i xasuusineysa waayaheyga ciyaareed ciyaaryahan ahaan, dhameystir ahaan iyo weeraryahan ahaanba, waa inuu jiraa tartan u dhexeeya aniga iyo isaga si loo arko cida goolka ugu fiican hesha.
Isla su’aalaha iyo jawaabaha, Solskjaer ayaa la weydiiyay hadii uu fursad u heli doono inuu ku daro asxaabtiisa haatan ee Manchester United kooxdiisa.
Wuxuu durba doortay kabtankiisa Roy Keane iyo shanta jeer ee abaal marinta Ballon d’Or Cristiano Ronaldo.