Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Ka Tirsan Ee Uu Zidane Xilka Gaarka Ah

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa la xusaya inuu muddooyinkan ugu dambeeyay tababaro gaar ah siiyay da’yarka weerarka kooxdiisa ee Vinicius Junior taas oo loo aanaynayo qaab ciyaareedka heerka sarre ah ee uu ku naaloolanyo da’yarkaasi.

Da’yarka ree Brazil oo 20 sano jir ah ayaa ku dhibtooday inuu wax saamayn ah oo muuqata yeesho tan iyo markii uu heshiiska 38-ka Milyan ee pound ah ugaga yimid dhinaca kooxda Flamengo sanadkii 2018.

Bishii October ayay ahayd markii ay kaameradu qabatay weeraryahan Karim Benzema oo saaxiibkiisa kooxda ee Ferland Mendy u sheegaya inuusan kubadda u baasin da’yarkaas taas oo muujinaysa sida uusan awoodiisa ciyaareed ugu kalsoonayn.

Si kastaba, Vinicius Junior ayaa hadda ku raaxaysanaya xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee mudada uu joogay Los Blancos isaga oo lix gool iyo lix caawimo usoo sameeyay ilaa hadda xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedka fiican ee uu Vinicius ku jiro ayaa ahaa mid Champions League si gaar ah uga soo dhalaalayay isaga oo laba gool kusoo kala dhantaalay Liverpool kulankii lugta koowaad ee siddeed dhammaadka Champions League ee ay 3-1 kaga soo guuleysteen.

Sida uu sheegayo hadda wargeyska L’Equipe oo soo xigtay Cuatro, taageere ay qoyska Vinicius siiyeen wiilkooda iyo xalqado tababaro gaar ah oo uu Zidane siiyay ayaa ah kuwa lagu sababay qaab ciyaareedka guusha ah ee 20 sano jirkaasi kaga jiro hadda kooxda caasimada Spain.

Tababaradaasi najaxay ee uu Zidane kaga dhisay Vinicius go’aan qaadashada goolka hortiisa ayay kuwo lamid ahi hadda u socdaan da’yarka kale ee ree Brazil ee Rodrygo.

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More