Waa Kuma Xiddiga Man United Ee Barcelona Ka Baryaya Inay La Saxeexato

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Donny Van De Beek ayaa la xusayaa inuu kooxda Barcelona u ciyaaristeeda si weyn u doonayo isla markaana rabo inuu iskaga baxsado dhibaatada ciyaaris la’aaneed ee Old Trafford ku haysata.

Wargeyska ree Spain ee Sport oo xaalada Donny ka hadlay ayaa sheegaya in wakiilada ciyaaryahanku ay xidhiidh la sameeyeen Barcelona iyaga oo koox kale xilli ciyaareedka dambe u raadinaya xiddigooda.

Warbixinta ayaa sheegaya in Van De Beek uusan ku qanacsanayn doorka uu uga soo ciyaaray Manchester xilli ciyaareedkii dhammaaday kaddib markii uu xagaagii hore 40 Milyan oo pound ugaga yimid dhinaca Ajax.

24 sano jirkaas ayaa kaliya 4 kulan oo Premier League ah ugu soo bilawday Red Devils isaga oo ka dambeeya xiddigaha khadka dhexe ee Paul Pogba, Bruno Fernanes, Fred, Scott McTominay iyo Nemanja Matic.

Kaddib markii uu mid aan micno weyn u lahayn tababare Ole Gunnar Solskjaer noqday, Van De Beek ayaa doonaya inuu Barcelona ku biiro xataa haddii ay qaab amaah ah tahay.

Barca ayaa suuqa ugu jirta saxeexa khad dhexe kaddib markii uu saaxiibka Van De Beek ee xulka Netherlands e Georginio Wijnaldum iska diiday ee uu ku biiray Paris Saint-Germain.

VDB ayaa xilli ciyaareedkii hore bar-tilmaameed u ahaa Barca kahor inta uusan Man United dooran, ilaa haatan kooxda ayaan wax go’aan ah ka gaadhin arrimaha ciyaaryahankaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More