Waa Kuma Xiddiga Man City Ka Tirsan Ee Aadka Uga Cadhooday In Lagu
Garabka weerar ee kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa la xusayaa inuu ka cadhaysan yahay in kooxdaasi ay ku dartay liiska ciyaartoyda ay hurayso si ay Tottenham ugaga soo qaadato weeraryahan Harry Kane.
Kooxda kusoo guuleysatay horyaalka Premier League ayaa ah mid xiisaynaysa saxeexa Kane kaddib markii uu soo bandhigay dareenkiisa ah inuu bixitaan rabo.
Sterling oo heshiiska 300,000 ee pound ah ee uu City ka qaato toddobaadkii ay laba sano ka hadheen ayaa ahaa mid u furan inuu kooxda la furo wadahadalo heshiis kordhin ah.
Laakiin sida uu sheegayo wargeyska Daily Mirror, Sterling ayaa ah mid aad uga cadhaysan isku dayga kooxdiisa ee ah inay doonayso inay Kane kaga soo bedelato Tottenham.
Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay dalab 100 Milyan oo pound ah dul dhigtay saxeexa 27 sano jirkaas laakiin Spurs ayaa lacagtaas in ka badan ku qiimaynaysa xiddigeeda.
Marka laga yimaado rabitaanka Harry ee ah inuu iskaga tago Tottenham haddana kooxda ayaa ah mid ay ka go’antahay inay sii haysato.
Marka laga yimaado inuu ka cadhooday in heshiiska Harry lagu darayo, sidoo kale Raheem ayaan marka horeba u bogin qaabkii uu ku dhammaystay xilli ciyaareedkii hore isagoo fursadiisa ciyaareed tahay mid yar.
Sterling ayaa la sheegayaa inay isku dhaceen tababare Pep Guardiola kaddib markii laga reebay liiska xiddigaha kahor tagayay Southampton kulan ay bishii March guul ka gaadheen.