Waa Kuma Xiddiga Liverpool Ee Mustaqbalka Leh Ee £15 Milyan Ee Gini Ay

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa haysata dalab £15 milyan oo Gini lagu qiyaasay oo laga soo gudbiyey mid ka mid ah ciyaartoydeeda mustaqbalka leh, kaas oo uu tababare Jurgen Klopp aanu ku darsanin qorshihiisa.

Reds ayaa xagaagan iibinaysa qaar ka mid ah ciyaartoydeeda aan muhiimka ahayn si ay u hesho lacag ay iskaga furfurto dhibaatada dhaqaale xumada, ugana caawisa in ay suuqa ka doontaan laacibiinta ay u baahan yihiin inay soo iibsadaan, si ay iskugu xoojiyaan xilli ciyaareedkan.

Liverpool oo ku suganw addanka Austria oo ay ku qaadanayso tababarka tan iyo Isniintii toddobaadkii hore, ayaa isku diyaarinaysa in ay Salaasada laba kulan oo saaxiibtinimo dheesho, waxaana kulamadan fursad u haysta inuu kasoo muuqdo mid ka mid ah laacibiinteeda garabka weerarka oo ay dul-taagan tahay koox kale oo Ingiriis ah.

Sida ay warbaahinta ciyaaraha ee Ingiriisku ku warrantay, Harry Wilson oo ka ciyaara garabka weerarka ayaa waxa dlab ksoo gudbisay Fulham oo xilli ciyareedkii hore ka dhacday horyaalka Premier League laakiin u dagaallami doonta inay dib ugu soo laabato xilli ciyaareedka dambe maadaama ay haysato ciyaaryahanno wanaagsan.

Wilson oo ay da’diisu tahay 24 jir, ayaa hore ugu soo qaatay waqtiyo amaah ah kooxaha Cardiff City, Hull City, Derby County iyo Bournemouth, laakiin hadda waxay kooxdiisu diyaar u tahay inay si rasmi ah u iibiso oo aan mar dambe lagu bixinin amaah.

Warka ayaa intaa ku daray, in laacibkan lagu qiimeeyey £15 milyan oo Gini oo ay Fulham na diyaar u tahay inay bixiso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More