Waa Kuma Xiddiga Laf-Dhabarta Ah Ee Usoo Laabtay Actual Madrid Kahor

Actual Madrid ayaa battle farxad leh ka heshay xerada tababarka kooxdeeda kaddib markii uu daafaca dhexe ee Raphael Varane usoo laabtay xilli ay kulamadii ugu muhiimsanaa xilli ciyaareedkan 2020-21 u hadheen.

Sida uu sheegay wargeyska fadhigiisu yahay magaalada Madrid ee Diario AS, Varane ayaa tababarka Actual Madrid kusoo laabtay Isniintii shalay ahayd isla markaana kulanka toddobaadkan ee horyaalka La Liga kasoo muuqan kara.

Soo kabashada Raphael ayaa ah mid lama filaan ah oo deg-deg ah, wakhtiga uu soo laabtay ayaa ka horreeya xilligii la filayay inuu kasoo kabto dhaawacaas muruqa lugta midig ah.

Varane ayaan la filayn inuu kulanka Granada ee Khamiista taam buuxa u noqdo balse la saadaalinayaa inuu ciyaarta Axada ee Athletic Bilbao qayb ka noqon karo.

Soo laabashada Varane ayaa ah mid kor u qaadaysa daafaca Los Blancos gaar ahaan maadaama oo uu sidoo kale kabtan Sergio Ramos maqan yahay halka daafacyada midig ee Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez ay inta xilli ciyaareedka ka dhiman seegayaan.

Eder Militao iyo Nacho Fernandez oo ahaa lamaanaha daafaca dhexe ee ay Madrid kusoo shirtagaysay kulamadii ugu dambeeyay ayaa soo muujiyay isfaham weyn.

Saddexda kulan ee u hadhay Madrid ee kala ah Granada, Athletic Bilbao iyo Villarreal ayay isku dayi doontaa inay ugu guuleysato horyaalka La Liga iyagoo ku ducaysanaya inay Atletico Madrid oo 2 dhibcood ka sarreysaa kufto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More