Waa kuma ku guuleystaha Koobka Adduunka?

Rangers ayaa noqotay kooxda ugu guulaha badan Yurub kadib markii ay ku guuleysteen Horyaalka Scottish Premier League todobaadkan.

Steven Gerrard ayaa ku soo laabtay farxadi 11 sano ee uu Celtic kula guulaystay horyaalka garoonka Ibrox Stadium iyada oo ay 6 kulan ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxa ay ku soo laabteen horyaalka iyaga oo ku guulaystay horyaalkoodii 55-aad. Kooxda ugu guulaha badan dhamaan Yurub.

Marka loo eego kooxaha ugu guulaha badan, Rangers waxay ku guuleysatay 116 koobab tan iyo markii la aasaasay 1872. Marka laga soo tago guusha, Rangers waa mid ka mid ah kooxaha ugu da’da weyn adduunka, inta badan ka hor magacyada waaweyn ee Yurub, kuwaas oo badankood la aasaasay wixii ka dambeeyay Qarnigii 20aad.

In kasta oo ay ku guuleysteen 155 koob, haddana Rangers ayaa kaalinta labaad kaga jirta kooxda reer Masar ee Al Ahli.

30-ka koox ee ugu koobabka badan lagu dhawaaqay, Real Madrid waa naadiga ugu weyn ee haysata koobab badan laakiin waxay ku jirtaa kaalinta lixaad iyadoo leh 93 koob tan iyo bilowgii qarni iyo ka badan.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta todobaad, iyadoo leh 91 koob, halka Bayern Munich ay ku jirto kaalinta 10aad iyadoo leh 78 koob.

Manchester United waa naadiga ugu guulaha badan England, waxeyna heysataa 66 koob halka 14na ay kujirto liiska.

Waa kuwan 30ka koox ee adduunka ugu fiican

30. Kooxda Atletico Independiente (Argentina) – 43 koob

29. Fenerbahce (Turkiga) – 43 koob

28. Deportivo Saprissa (Costa Rica) – 46 koob

27. River Plate (Argentina) – 48 koob

26. CSKA Sofia (Bulgaria) – 48 koob

25. AC Milan (Italy) – 48 koob

24. Naadiga Cowshopper Zurich (Switzerland) – 49 koob

23. Zamalek (Masar) – 52 Koob

22. Deportivo Colo-Colo (Chile) – 53 koob

21. Naadiga Olimpia (Paraguay) – 54 koob

20. Boca Juniors (Argentina) – 56 koob

19. FCSB (Romania) – 58 koob

18. Anderlecht (Belgium) – 60 koob

17. Liverpool (England) – 60 koob

Galatasaray (Turkey) – 61 koob

15. Juventus (Italy) – 66 koob

14. Manchester United (England) – 66 koob

13. Ajax (Netherlands) – 70 koob

12. Porto (Portugal) – 76 koob

11. Olympiacos (Greece) – 77 koob

10. Bayern Munich (Jarmalka) – 78 koob

9. Al-Faisaly (Jordan) – 79 maar

8. Benfica (Portugal) – 83 koob

7. Barcelona (Spain) – 91 koob

6. Real Madrid (Spain) – 93 koob

5. Atletico Penarol (Uruguay) – 108 koob

4. Celtic (Scotland) – 111 koob

3. Naadiga Nacional de Football (Uruguay) – 115 Koob

2. Rangers (Scotland) – 116 Koob

1. Al Ahly (Masar) – 118 tKoob

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More