Waa Kan Xiddiga U Waalanaya Inuu Suuqa Xagaaga Ku
Weeraryahanka kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa lagu soo warramayaa inay ka go’antahay inuu ku biiro kooxda Barcelona suuqa xagaaga balse haddiiba uu Camp Nou imanayo ayaa lagu go’aamin doonaa kulan ay yeelan doonaan madaxweynaha cusub ee Joan Laporta iyo tababare Ronald Koeman.
Xiddiga heer caalami ee xulka Netherlans ayaa si cadaan ah saxaafada uga hor sheegay bishii November inuu doonayo ku biirista Barca kaddib markii heshiis uu kooxda ku tagayaa uu qabsoomi waayay xagaagii 2020.
Sida lagu sheegay wargeyska Mundo Deportivo oo soo xigtay Sport Witness, Depay ayaa wali doonaya inuu kooxda horyaalka Ligue 1 uga tago dhigeeda horyaalka La Liga walow ay jiraan kooxo kale oo heshiiskiisa tartan ugu jiraa.
Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Memphis Depay uu doonayo inuu sugo oo uu waxkasta u sameeyo heshiis uu Barcelona ugu biiri karo bilaha soo socda.
Isla wargeyskaas ayaa sidoo kale sheegay in go;aan lagaga gaadhi doono saxeexa Depay kulanka dhex maraya Laporta iyo Koeman, madaxweynaha iyo macalinka ayaa kulanka ay yeelan doonaan ku go’aaminaya xiddigaha ay bar-tilmaameedka ka dhigan doonaan xagaaga.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in imaanshaha Depay uu wax weyni kaga xidhnaan doono go’aanka Lionel Messi iyo haddii uu baxayo xagaaga.
Heshiiska Messi ee Barcelona ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka, warar soo baxayay horraantii bishan ayaa lagu sheegay in wakiilka ahna aabaha Messi ee Jorge uu wadahadalo mustaqbalka wiilkiisa lagu xalinayo la yeelan doono madaxweyne Laporta.
Sidoo kale war dhawaan kasoo baxay wargeyska Le Parisien ayaa Depay la xidhiidhinayay Paris Saint-Germain balse waxa warbixinta lagu xusay in Barca ay muhiimada koowaad u tahay xiddiga.