United & Metropolis Oo Ku Dagaallamaya Xiddig Da’yar, Barca Oo Lagu Garaacay

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.

Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Salaasa ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa ciyaartoyda kooxdiisa u sheegay inuu iskaga tago Tottenham oo uu ku biiro koox kale oo horyaalka Premier League ah dhamaadka xilli ciyaareedkan. Manchester Metropolis, Chelsea iyo Manchester United ayaa muujiyey damaca ay u hayaan 27 jirkan. (Sky Sports activities)

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa sidoo kale kusoo biirtay tartanka loogu jiro Harry Kane, waxaase rajadooda dilaya in laacibkani uu doonayo in uu sii joogo Premier League. (Occasions)

Manchester United iyo Manchester Metropolis ayaa ku dagaallamaya difaaca 18 jirka ah ee reer Portugal ee Sporting Lisbon ee Nuno Mendes. £52 milyan oo Gini ayaa lagu qiimeeyey laaacibkan.

Difaaca midig ee reer England ee Kieran Trippier ayaa lala xidhiidhinayaa in uu dib ugu laaban doono horyaalka Premier League. Manchester United iyo Everton ayaa ku dagaallamaya saxeexa 30 jirkan Atletico Madrid u ciyaara. (Athletic)

Brighton ayaa u sheegtay Liverpool iyo Arsenal in ugu yaraan £40 milyan oo Gini ay la shir yimaaddaan haddii ay doonayaan 24 jirka reer Mali ee Yves Bissouma oo khadka dhexe ka ciyaara. (Solar)

Liverpool ayaa meesha ka saartay in ay heshiiskii amaahda ahaa ee Ozan Kabak ay rasmi u beddelayso dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana 21 jirkan reer Turkey uu u dhaqaaqi doonaa RB Leipzig oo doonaysa. (Mail)

Manchester United ayaa kaga horreysa Ajax tartanka ay ugu wada jiraan weeraryahanka reer Ghana ee Kamaldeen Sulemana oo u ciyaara FC Nordsjaelland kaddib markii ay Isniintii laacibkan 19 jirka ah la yeelatay wada-hadallo midho dhal ah. (Soccer Insider)

Difaaca reer Spain ee Marcos Alonso oo 30 jir ah, iyo Emerson Palmieri oo ah 26 jir Talyaani ah ayaa doonaya in ay iskaga tagaan Chelsea xagaagan, waxaana labadaba looga gacan haadinayaa Talyaaniga. (Gazzetta dello Sport)

Chelsea waxay ka fiirsanaysaa in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka 18 jirka ah ee Seb Drozd oo u ciyaara kooxda Uxbridge. (Solar)

Marseille waxay u dhow dahay in ay si rasmi ah ula wareegto laacibka khadka dhexe ee Arsenal ee Matteo Guendouzi oo 22 jir ah, waqtiganna amaah ugu maqan Hertha Berlin. (Le10 Sport)

Memphis Depay oo afka hore uga ciyaara Lyon, ayaa la filayaa in uu si bilaash ah ugu biiro Barcelona ka hor inta aanu bilaabmin tartanka Euro 2020 bisha June. (L’Equipe)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More