UEFA Oo Shaacinaysa GO’AAN Weyn Oo Saamayn Ku Yeelanaya Finalka

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa  lagu soo warramayaa in ay gaadhayaan go’aan weyn oo saamayn ku yeelanaya finalka Champions League ee dhamaadka bishan ay wada ciyaari doonaan Manchester Metropolis iyo Chelsea.

Sida uu qoray wargeyska The Solar, finalka Champions League oo ay iskugu soo baxeen kooxo Ingiriis ah, waxa uu walaac ka taagan yahay magaalada Istanbul ee martigelinaysa, kaddib markii dawladda UK ay ku dartay ‘dalalka khadka cas’ ee safarkooda bathroom joojiyey sababo la xidhiidha fayraska korona.

Wararka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisal wasaare Boris Johnson uu ka shaqaynayo sidii ciyaartaas looga soo rari lahaa Turkey ee bathroom keeni lahaa Ingiriiska, waxaana uu xidhiidh la sameeyey madaxweynaha UEFA ee Aleksander Ceferin, si arrintaas bathroom hirgeliyo.

Dawladda UK ayaa u ballan-qaadday kooxaheeda iyo taageereyaasha in ay hubto, una damaanad qaadayso in aanay u safri doonin Turkey oo finalka lagu ciyaari doono Wembley, laakiin ay UEFA yeelanayso go’aanka arrintan.

Arrinta qasabka ka dhigaysa in finalka laga soo wareejiyo Turkey ayaa waxay tahay, in ciyaartoyda labada kooxood ee Manchester Metropolis iyo Chelsea, shaqaalahooda iyo waliba taageereyaasheedu ay geli doonaan karantiil marka ay kasoo laabtaan Istanbul, taas oo aanay cidina diyaar u ahayn in ay ku dhacdo.

Inkasta oo Istanbul ay mashquul ku tahay martigelinta finalka Champions League oo ay wax walba diyaarinayso, haddana go’aanka UK ku gelisay khadka cas ayaa wax walba meesha ka saaraya.

Garoonka Wembley oo ah midka aadka bathroom danaynayo in uu martigeliyo kulankan ayaa waxa kale oo soo raaci karaya Villa Park iyo Tottenham Hotspur Stadium.

Si kastaba, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa la sheegay in uu maalmaha soo socda shaacin doono go’aan weyn oo uu ka qaatay garoonka lagu ciyaarayo finalka Champions League.