UEFA Oo Go’aan Ka Gaarey Ka Qayb-galka Champions League Ee Real

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa xidhiidh la sameeyey Juventus, waxaana uu ku wargeliyey go’aanka laga qaatay ee ku aaddan ka qayb-galkooda tartanka naadiyada Yurub ee Champions League.

UEFA ayaa laga sugayay inay go’aan kasoo saarto kooxahan oo ay hore u shaacisay, inay ganaax ku ridi doonto kaddib markii ay qayb ka noqdeen tartan cusub oo ay samaysteen 12ka kooxood ee waaweyn ee Yurub ee loogu magac-daray Super League, kaas oo sagaal ka mid ah naadiyadii aasaasay ay ka laabteen.

Real Madrid, Juventus iyo Barcelona ayaa wali kusii adkaysanaya in tartankaasi yahay mid sifo sharci ay ku samaysteen oo aanay jirin wax u diidi karaya, halka UEFA iyo FIFA ay ku hanjabeen in ay ganaaxyo laba sannadood lagaga mamnuucayo Champions League ay ku ridayaan, loona raacinayo ciqaabo adag oo lacageed iyo in ciyaartoydooda loo diido inay u ciyaaraan waddamadooda.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ANSA, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa qoraal u diray Juventus, waxaanay ugu caddeeyeen go’aankooda la xidhiidha ka qayb-galka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, laakiin lama sheegin haddii labada kooxood ee reer Spain iyagana loo diray qoraalkan oo kale.

UEFA ayaa qoraalkeeda oo soo baxay shalay oo ay taariikhdu ahayd June 14, waxay ugu sheegtay Juventus, in ay qayb ka noqon doonto tartanka Champions Legue ee xilli ciyaareedka dambe.

Guddida Anshaxa ee UEFA ayaa hore go’aan ay usoo saartay waxay ku joojisay kiiskii iyo dacwaddii ku socotay saddexda kooxood ee Juventus, Real Madrid iyo Barcelona kaddib markii ay maxkamadda Madrid iyo wasaaradda caddaaladda Switzerland xukumeen, in UEFA aanay awood u lahayn inay ganaaxdo kooxahan.

Wakaaladda wararka ee ANSA waxa kale oo ay sheegtay, in qoraalka Juventus loo diray uu sidoo kalena gaadhay xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee FIGC oo lagu wargeliyey in Juve ay qayb ka noqonayso tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More