UEFA Oo Go’aamisay Tirada Taageereyaasha Kulanka Chelsea vs Villarreal

Kaliya 13,000 qof ayaa loo ogolaan doonaa ciyaarta UEFA Super Cup ee Koobka ay ku kala qaadi doonaan Chelsea  iyo Villarreal, taas oo ka dhici doonta garoonka Windsor Park ee Belfast.

Chelsea oo ku guuleysatay Champions League iyo Sevilla oo hanatay Europa League ayaa waxay wada ciyaari doonaan Super-cupka Yurub ee sannadkan marka ay taariikhdu tahay August 11, xilli saacadda Afrika ku beegan tahay 10pm.

Labadan kooxood ayaa filayay in ay heli doonaan taageereyaal badan oo garoonka yimaadda, hase yeeshee UEFA ayaa sheegtay in sababo la xidhiidha taxadarka Fayraska  Korona uu garoonku madhnaan doono 70 boqolkiiba, taas oo ka dhigan in 13,000 qof oo kali ahi gudaha soo geli doonaan.

Taageereyaasha tigidhada iibsada ayaa mari doona baadhitaan mishiinka PCR ah oo ay ku hubinayaan caafimaadkooda, waxaanay shahaadada caddaynta la tegi doonaan garoonka. Waxa kale oo albaabada loo xidhayaa oo aan la ogolayn in makhaahyadaha garoonka iyo agagaarkiisa lagu iibiyo cunto iyo cabitaan.

Tigidhka daawashada ciyaarta ayaa waxa lagu iibsan doonaa 40 Euro oo ah qaybta saddexaad ‘Category 3’, halka qaybta xigta ee labaad ay ka qaalisan tahay iyadoo qaybta ugu dambaysa ee darajada koowaad ‘Category 1’ tigidhkeedu yahay 120 Euro halkii qof.

War-saxaafadeed ay soo saartay UEFA ayay ku sheegtay, in tallaabadan iyo go’aankan ay u qaadatay sabab la xidhiidha taxadarka iyo hab-raaca caafimaadka ee Fayraska Korona.

Tigidhada ayaa lagala degi karaa App-ka UEFA, si la mid ah finalkii Euro 20202.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More