Tuchel Oo Dalbaday Kane, Arsenal Oo Ku Dhegtay Odegaard, Wijnaldum Oo

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.

Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Isniin ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:

Manchester United ayaa qiimaynaysa xaaladda xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo la sheegayo in ay suurtogal tahay in uu ka tegayo Juventus. (Athletic)

Leeds United waxay heshiis cusub oo sannad ah ka saxeexday tababaraheeda Marcelo Bielsa oo sii joogi doona Elland Roard, kaddib markii ay kooxdu ku dhamaysatay kaalinta 9aad ee horyaalka xilli ciyaareedkeedii koowaad. (Mirror)

Weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappe oo 22 jir ah, sannad kali ahina ka hadhsan yahay qandaraaskiisa kooxda reer France, ayaa sheegay in ay dhacayaan wada-hadallo mustaqbalkiisa ku saabsan. (Canal+)

Rajadii Liverpool ay kasoo qabtay in ay lasoo saxeexato 24 jirka khadka dhexe ee reer Mali ee Yves Bissouma oo 24 jir ah una ciyaara Brighton ayaa sare u kacday, kaddib markii Arsenal oo kula tartamaysay dhinac kale u leexatay. (Mail)

Reds ayay tahay in ay bixiso £34 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaska difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo 21 jir ah. (Times0

PSG ayaa kusoo biirtay kooxaha  hoggaanka u qabtay tartanka loogu jiro laacibka khadka dhexe ee reer Netherlands ee Georginio Wijnaldum oo si bilaash ah uga tegaya Liverpool. Barcelona iyo Bayern Munich ayaa iyaguna ku tartamaya. (Le10Sport)

Tababaraha  Chelsea ee Thoms Tuchel waxa uu doonayaa in loo keeno Harry Kane oo 27 jir ah, laakiin Blues ayaa ka walwalsan in Tottenham oo xafiiltan derisnimo ka dhexeeyo ay diidi doonto in laacibkani yimaaddo Stamford Bridge. (Telegraph)

Kubbad-sameeyaha reer Spain ee Juan Mata, ayaan garanayn in uu sii joogi doono Manchester United iyadoo heshiiskiisu ku eg yahay xagaagan. (BT Sport)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta waxa uu sheegay in uu wada-hadallo la furi doono Real Madrid, kuwaas oo uu ku doonayo in heshiiska amaahda loo kordhiyo Martin Odegaard. (Sun)

Arsenal waxa lala xidhiidhinayaa laacibka Roma ee Cengiz Under oo 23 jir ah, xilli ciyaareedkii dhamaadayna amaah ku qaatay Leicester City. AC Milan iyo Borussia Dortmund ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa garabka weerarka reer Turkey. (Tuttomercatoweb)

Barcelona ayaa soo bandhigtay xiise ay u qabto difaaca bidix ee kooxda  Atalanta ee Robin Gosens oo ah 26 jir u dhashay Germany. Waxa kale oo laacibkan lala xidhiidhinayaa kooxaha Man City, Inter Milan, Juventus iyo AC Milan. (Sport)

Real Madrid ayaa doonaysa in ay iibiso laacibka khadka dhexe ee Dani Ceballos xagaagan, laakiin Arsenal oo uu amaah kula joogay ayaa go’aansatay in dib ugu celiso kooxdiisii hore, isla markaana aanay si rasmi ah ula wareegin.  (90min)

Gennaro Gattuso oo ay Napoli xalay ka caydhisay shaqada ayaa lala xidhiidhinayaa Juventus oo uu ka beddelayo Andrea Pirlo. (Tuttosport)

Zinedine Zidane awaxa uu wada-hadallo la yeelan doonaa Real Madrid maalmaha soo socda, waxaanay isla go’aamin doonaan mustaqbalkiisa. (ESPN)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More