TOBBANKA Xiddig Ee Chelsea Laga Dirayo, Lacagta Laga Samaynayo &
Sida ay sheegayaan warar cusubi, kooxda Chelsea ayaa lagu samayn karaa isbedelo waaweyn oo laga diri karaa xiddigo badan si kor loogu qaado lacagta ay ku galayso suuqa xagaagan 2021.
Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay UEFA Champions League balse wali u muuqata mid u baahan dib u habayn iyadoo tababare Thomas Tuchel uu doonayo inuu isbedel ku sameeyo safka uu ka dhaxlay Frank Lampard.
Chelsea ayaan ahayn mid nasiimo geli karta kaddib hanashada CL haddiiba ay doonayaan inay xilli ciyaareedka dambe si dhab ah ugu tartamaan Premier League, xiddigo waaweyn oo laga xusi karo Declan Rice iyo Erling Haaland ayaa bar-tilmaameed u ah.
Xiddigaha bar-tilmaameedka u ah Blues ayaan ahay kuwo qiimo jaban lagu heli karo laakiin waxa jirta hadal hayn ah in kooxdaasi ay doonayso inay lacag 150 Milyan oo pound ah ka samayso xiddigo ay iibinayso.
Sida uu sheegayo il-wareedka Football London xiddigaha laga diri karo Stamford Bridge ayaa kala ah: Hakim Ziyech, Tammy Abraham, Marcos Alonso, Olivier Giroud, Ross Barkley, Michy Batshuayi, Danny Drinkwater, Davide Zappacosta, Emerson Palmieri iyo Bakayoko.
Xiddigahaas ayay qaarkood fududaan doontaa in loo helo kooxo iibsada halka kuwa kale ay adkaan doonto balse rabitaanka Chelsea ayaa ah inay dirto dhammaan.
Jamaahiirta Chelsea badhkood ayaa la yaabi kara samir la’aanta ay kooxdu u muujisay Ziyech oo xagaagii hore uun kaga yimid Ajax isla markaana hibo fiican leh.