TOBBANKA Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsan Premier League Oo Qiimayn Lagu

Wargeyska Mirror oo qiimayn ka sameeya xiddigaha ugu fiican horyaalka Premier League iyo boosaska sida ay ciyaaryahanadu ugu kala fiican yihiin ayaa markan qiimeeyay 10-ka weeraryahan ee ugu wanaagsan horyaalkaas xilli ciyaareedkan 2020-21.

Dabcan waxa wali mid ilaa maanta sax ah odhaahda ah “Goolashu kulamada ayay kugu guuleeyaan” taas oo ka dhigan in si kasta oo daafacaaga iyo dhexdaadu u fiican yihiin haddii aanad haysan weeraryahano dhammaystir fiican leh aanad wax badan guulo gaadhaynin.

- Advertisement -

Xilli ciyaareedkan, markale ayaynu Premier League ku aragnay weeraryahano ku fashilmay inay joogteeyaan ciyaartoodii hore ee fiicnayd sidoo kale waxaynu aragnay weeraryahano badan oo horumar fiican sameeyay.

Haddaba, qiimaynta Mirror ayuu booska 1-aad ku galay dhaliyaha Tottenham ee Harry Kane, 27 sano jirkaas ayaa ilaa hadda xilli ciyaareedkan hoggaaminaya tartanka gool dhalinta iyo caawinta Premier League labadaba.

Booska labaad ayuu galay Mohamed Salah oo isaguna gool dhaliyaha labaad ee ugu sarreeya horyaalka ah halka uu kaalinta saddexaad soo xoraystay Hueng Min-Son oo isaguna gool dhalinta PL meel sarre kaga jira.

Qiimaynta Oo Dhammaystiran & Sida Lavatory Kala Horreeyo.

Fiiro-Gaar Ah: Qiimayntu maaha weeraryahanada dhexe oo kaliya balse sidoo kale waxa ku jira garbaha weerarka.

10: Kelechi Iheanacho

9: Phil Foden 

8: Patrick Bamford

7: Dominic Calvert-Lewin

6: Marcus Rashford

5: Jesse Lingard

4: Jack Grealish

3: Son Hueng-Min

2: Mohamed Salah

1: Harry Kane