“Timahayga Ma Xiirayo Xataa Haddii Ay Barcelona Iga Dalbato,

Antoine Griezman ayaa daboolka ka qaaday inuu si cad u diidi doono inuu timihiisa jaro xataa haddii ay kooxdiisa Barcelona ka dalbato.

29 jirkan reer France ayaa xirfaddiisa waxa uu caan ku ahaa inuu inta badan timaha la baxo, waxaanu taas sii waday markii uu Barcelona kusoo biiray sannadkii 2019kii oo uu Atletico Madrid ka yimid.

Qaab ciyaareed liita oo uu Camp Nou kusoo bandhigayay muddadii uu joogay ayaa waxay keentay inuu canaan kala kulmo taageereyaasha Barcelona, waxaase layaab ah in jamaahiirta Barcelona ay intooda badani ka dalbanayaan inuu iska xiiro timaha oo ay ku sheegeen inay sabab u yihiin qaab ciyaareedkiisa liita.

Antoine Griezman oo arrintan ka jawaabay ayaa qiray in isaga naf ahaantiisa ay farriimo nacayb ah soo gaadhaan, balse aanu timihiisa xiiri doonin wax kasta oo dhaca.

“Waan sii wadi doonaa inaan ilaashado timahayga xattaa haddii ay i weydiistaan inaan jaro. Carruurtayda iyo xaaskayga ayaa doonaya inaan ilaashado timahayga dhaadheer.” Ayuu yidhi Antoine Griezman.

“Tan iyo markii aan imid Barcelona wax hadal ah maan odhan. Kaliya waxaan sheegaa inaan garoonka dhexdiisa ka hadlayo, balse aanan dadka warbaahinta kala hadlayn.

“Waxa isoo gaadhaya faalooyin kala duwan, haddana waxaan sheegayaa in intaasi igu filan tahay, lana gaadhay waqtigii ku habboonaa ee aan jawaabi lahaa.”

Antoine Griezman waxa uu Barcelona u dhaliyey laba gool, mid kalena caawiye ayuu ka noqday siddeeddii kulan ee LaLiga ee xili ciyaareedkan, balse taasi wali kala-badhna way ka hoosaysaa marka la barbar-dhigo waxqabadkiisii Atletico Madrid.

Lionel Messi ayaa dhawaan soo bandhigay inuu u cadhaysan yahay hadallo kasoo yeedhay wakiilka Griezmann oo sheegay in qaab ciyaareedka liita ee Griezmann uu sabab u yahay Messi, taas oo uu xiddiga reer Argentina ka cadhooday.

Weeraryahanka reer France ee Griezmann oo isaguna markiisa ka hadlay arrintan ayaa yidhi: “Waan joojiyey xidhiidhkii shaqo ee wakiilkaygii hore ee Eric Olhats laga bilaabo maalintii aan guursaday. Waxaan ku casuumay arooskaygii iimana imanin, sababtaas darteed ayaan u joojiyey xidhiidhkiisii.

“Aniga adeerkay waxba kama garanayo sida kubadda cagtu u shaqayso, ugu dambayntiina wariyaha ayaa warbixinta dibedda uga soo saaray. Waan u sheegay Leo in aanan waligay la hadal iyaga iyo xataa in aanan haynin.”

Ugu dambayntii waxa uu Griezmann sheegay in walaashii ay tahay wakiilkiisa oo aanay cid kale metelin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More