Thomas Tuchel Oo Loo Sheegay In Laacibkan Uu Kaydka Dhigo Kulanka

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa loo sheegay in uu kaydka dhigo xiddig laf-dhabar u ah kooxdiisa kulanka Axadda ay la ciyaarayaan Aston Villa ee lagu soo gunaanadayo horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Chelsea ayaa u baahan in ay guuleysato si ay kaalinta saddexaad ee horyaalka ugu dhamaysan karto, laakiin haddii laga badiyo waxay macasalaamayn karaan afarta sare, iyadoo ay kasoo sare mari karaan Liverpool iyo  Leicester City oo min hal dhibic kaliya ka dambeeya.

Haddii laga badiyo, Blues ayaa fursadda kaliya ee ay Champions League xilli ciyaareedka dambe kaga soo qayb-geli kartaa ay tahay in ay ku guuleysato Champions League oo finalka ay ku ballansan yihiin Manchester City, toddobaadka dambena ay wada ciyaari doonaan.

Sidaas oo ay tahay, Thomas Tuchel ayaa lagula taliyey in uu kaydka dhigo N’Golo Kante ciyaarta Aston Villa, xataa haddii uu taam ka noqdo dhaawac kasoo gaadhay kulankii ugu dambeeyey horyaalka.

Tababarihii hore ee Tottenham ee Tim Sherwood ayaa rumaysan in Chelsea ay wanaagsan tahay marka ay Mateo Kovacic iyo Jorginho iska garab ciyaaarayaan, sidaas darteedna ay tahay in aan kulanka Aston Villa lagu soo bilaabin N’Golo Kante.

Tim Sherwood ayaa yidhi: “Bilowgii xilli ciyaareedka, labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee fiicnaa waxay ahaayeen Jorginho iyo Kovacic. Kaliya Kovacic ayaa dhaawacmay, waxaana yimid Kante oo tusiyey Tuchel waxa uu keeni karo.

“Kante way tahay in al ciyaarsiiyo sababtoo ah khatarta Jack Grealish, laakiin waqtigan dib ayuu u noqday Grealish, halkaas ayaanu kubadda kasoo dhisaa. Waxa ugu dambeeya ee Grealish doonayaa waa in Kante uu kubadda kasoo qaado.”

Ugu dambayntii waxa uu Tim Sherwood yidhi: “Kante waa in aan lagu soo bilaabin.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More