Thomas Tuchel ayaa shaqada ka caydhiyay “Anigu ma ahi cop.”

Thomas Tuchel ayaa soo saaray xeerarkii adkaa ee uu soo kordhiyay tababarihii isaga ka horeeyay ee Frank Lampard, waxayna tani horseeday adkeysi iyo xaalad fiican oo kooxda ah.

Tababaraha Jarmalka ayaa u ogolaaday ciyaartoydiisa inay dib u dhigaan marka ay timaado waqtiga, inkastoo Frank Lampard uu soo saaray sharciyo adag oo u horseedi kara ganaax culus.

Tuchel wuxuu baabi’iyay ganaaxyadan iyo sharciyadan xitaa wuxuu baabi’iyay sharciga dhigaya in ciyaartoyda ay hoteel daganaadaan habeenka ka horeeya ciyaarta si ay waqti ula qaataan qoysaskooda.

Wuxuu sidoo kale bartay magacyada ciyaartooyda kooxda koowaad iyo shaqaalaha tababarka maalmo gudahood si loo abuuro jawi isku xiran.

Barbardhac ama guul ay maanta ka gaaraan Leeds ayaa ka dhigeysa in Tuchel laga badinin 12 kulan tan iyo markii uu la wareegay Chelsea.

Professor-ka oo caan ku ah la dagaalanka madaxdiisa ayaa jawi dagan ku soo kordhiyay kooxda Chelsea.

Sharciyada Lampard waxaa ka mid ahaa ganaax lacageed oo dhan 20,000 hadii ay ciyaartoydu ka daahaan tababarka, waana lacag aad u fara badan xitaa hadii ciyaartoydu ay mushahar badan qaataan.

Tuchel ayaa yiri: “Ma aanan ogeyn ganaaxa. Laakiin marka hore waxaan aaminay ciyaartoydeyda inay waqtiga ilaaliyaan, maxaa yeelay waxaan la mid nahay qoys.

“Muhiim ayey ii tahay inaan ku kalsoonaado oo aan ka dhaadhiciyo qiimaha ay leedahay waqtiga in la ilaaliyo halkii aan sharciyeyn lahaa oo ganaax la saari lahaa.

Kama soo horjeedo cunaqabateynta laakiin waa inay ku jirtaa qolka labiska ee ciyaartoyda waa weyn.

“Ma jiro qof wali ka daahay ciyaarta ama tababarka. Haddii ciyaaryahan yimaado 10:01 ama 9:59, anigu ma ihi cop.

“Marka aan daaqada ka fiiriyo, ma hubo goorta ay imaan doonaan, waxaan u dhaafayaa ciyaartoyda waa weyn oo aan tusaale u noqdaa.

“Haddii ciyaartoyda ay go’aansadaan inay is ganaaxaan oo ay qarashgareeyaan casho ama dalxiis, iyagaa iska leh. Taasi waa sida aan sameyno.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More