Thiago Silva Oo Weeraray PSG: “Mar Kasta Oo Ay Hadhaan, Waxay

8

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva ayaa weerar ku qaaday kooxdiisii hore ee PSG kaddib markii uu xalay Champions League kula guuleystay Chelsea.

- Advertisement -

Thiago Silva ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyinkii shaqsiga ahaa iyo hab-dhaqankii aan wanaagsanayn ee uu kala kulmi jiray PSG marka ay kooxdiisu ka  hadho tartamada, gaar ahaan Champions League, waxaanu tibaaxsy in isaga laga dhigi jiray dembiile mar kasta oo khasaare yimaaddo.

36 jirkan reer Brazil oo dhaawac kaga baxay qaybta hore ee kulankii finalka Champions League ee xalay ayaa oohin miciinsaday, waxaana uu xasuustay finalkii Champions League ee sannadkii hore ee ay Bayern Munich koobka kaga qaadday isagoo PSG kabtan u ahaa.

Laakiin cabsi kasta oo gashay markii uu dhaawacmay, waxa ka maydhay ciyaartoyda kooxdiisa oo soo hooyey guusha, koobkana gacanta usoo geliyey.

Kaddib dabbaal-degii garoonka dhexdiisa, warbaahinta RMC Sports ayaa waraysi ka qaadday Thiago Silva, waxaana la weydiiyey koobkiisii ugu horreeyey ee Champions League ah oo uu ku guuleystay, isagoo ku jawaabay: “Waa wax cajiib ah oo aanad malayn karin. Waa waqtigii ugu muhiimsanaa waahayaga ciyaareed. Lama illoobi karayo.

“Dhab ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay. In koobkan aad haysato waa wax weyn. Dhaawacayga? Waxyaabo badan ayaa kusoo dhacay maskaxdayda. In waqti hore aan ka baxo ciyaarta aad ayay iigu adkayd. Laakiin heerkan, waxa aanu ahayn 70 boqolkiiba, waanan ku faraxsanahay sababtoo ah kooxdu way degganayd, si fiicanna way isku difaacday.

“Waanu dhibaatoonay laakiin si fiican ayaanu u ciyaarnay, ugu dambayntiina waxa aanu helnay abaal-marinta wax kasta oo aanu samaynay. Khasaatan aniga, gaar ahaan cadaadiskii naga soo maray in aanu ku guuleysano Paris.”

Intaas kaddib, waxa uu eedeeyey kooxdii uu muddada dheer usoo ciyaarayay ee PSG, waxaanu yidhi: “Mar kasta oo Paris la reebo, dadku waxay raadinayeen dambiile, mar kastana aniga ayay iga dhigi jireen. Aad ayay u xumayd.

“Waxa aan rajaynayaa Paris in mustaqbalkay ay ku guuleysan doonto, sababtoo ah saaxiibbo badan ayaan kaga soo tegay halkaa. Mar walba waan la jiri doonaa casaanka iyo buluugga.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More