Tartanka Gooldhalinta Premier League Oo Xiiso Yeeshay & Afar
Tartanka gooldhalinta Premier League ayaa xiiso gaar ah yeeshay iyadoo Mohamed Salah iyo Jamie Vardy ay ku soo biireen kooxaha hogaanka u haya gooldhalinta horyaalka todobaadkan.
Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 8aad ee xilli ciyaareedka Premier League kulankii ay shalay barbaraha 1-1 la galeen kooxda Manchester City isagoo saxiixay rigooradii loo dhigay kooxdiisa.
Waxaa isna goolkiisii 8aad ee xilli ciyaareedkan dhaliyay weeraryahan Jamie Vardy kaasoo gool rigoore ah saxiixay kulankii ay Leicester City ka badisay Wolves isagoo rigoore kale qasaariyay xilli kooxdiisa ay la wareegtay hogaanka Premier League.
Waxay labadaan xiddig hogaanka gooldhalinta Premier League kula soo biireen weeraryahanka Tottenham Son Heung-min oo weli leh 8 gool isagoo aan shabaqa soo taabanin kulankii ay Tottenham 1-0 kaga badisay West Brom.
Waxaa isna sidoo kale 8 gool weli leh xiddiga Everton Calvert-Lewin kaasoo caawiye ka ahaa goolka kaliya ay kooxdiisa dhalisay kulankii ay Everton guuldarada 3-1 ka soo gaartay Manchester United.
Marka laga soo tago afarta xiddig ee isku heysta hogaanka gooldhalinta waxaa iyagana ku soo daba jira Harry Kane iyo Bamford oo leh min todoba gool.
Weeraryahanka Tottenham ayaa dhaliyay goolka kaliya ay kooxdiisa ku badisay todobaadkan. Halka Patrick Bamford uu dhaliyay goolka qura ee ay Leeds United dhalisay kulankii ay guuldarada 4-1 ka soo gaartay Crystal Palace, isagoo sidoo kale qasaariyay rigoore.
KALA SAREYNTA GOOLDHALINTA PREMIER LEAGUE:
8 gool – Heung-min Son (Tottenham)
8 gool – Calvert-Lewin (Everton)
8 gool – Mohamed Salah ( Liverpool)
8 gool – Jamie Vardy (Leicester City)
7 gool – Patrick Bamford (Leeds United)
7 gool – Harry Kane (Tottenham)
6 gool – Ollie Watkins (Aston Villa)
6 gool – Callum Wilson (Newcastle United)
5 gool – Bruno Fernandes ( Man United)
5 gool – Danny Ings (Southampton)
5 gool – Wilfried Zaha (Crystal Palace)