Tababarihii Xulka Qaranka Argentina Oo Geeriyooday –

Tababarihii hore ee xulka qaranka Argentina ee Alejandro Sabella ayaa geeriyooday iyadoo ay da’diisu ahayd 66 jir.

Sabella ayaa la dhigay qaybta xaaladda halista ah ee cusbitaalka maalin kaddib dhimashadii halyeyga reer Argentina ee Diego Mradona oo uu baroor-diiqdiisa ka qayb-qaatay.

Alejandro Sabella oo ku dhashay magaalada Boenos Aires ee caasimadda Argentina ayaa qaranka waddankiisa hoggaaminayay intii u dhaxaysay 2011 illaa 2014kii oo uu keenay finalkii Koobka Adduunka ka hor intii aanu iscasilin dhamaadkii tartankaas.

Tababarahan ayaan dib ugu soo laabanin shaqada tababarka intii ka dambaysay koobkii Adduunka, hase yeeshee waqtigii uu ciyaartoyga ahaa ayuu ahaa laacib ku wanaagsan khadka dhexe, isagoo ciyaarahan ka bilaabay kooxda xaafaddiisa ka dhisan ee River Plate sannadkii 1974kii.

Waddanka Ingiriiska ayuu ka ciyaaray kooxaha Sheffield United iyo Leeds United, isagoo waqti dambena dib ugu laabtay waddankiisa Argentina oo uu u dheelay kooxaha Estudiates iyo Ferro Carril Oeste ka hor intii aanu sannadkii 1989kii u wareegin kooxda Irapuato oo ka dhisan waddanka Mexico.

Xulka qaranka Argentina ayuu u saftay siddeed ciyaarood oo kaliya.

Waqtigiisii tababarenimada, waxa uu Sabella layliyey kooxda Estudiantes sannadkii 2009 waxaana laba sannadood kaddib uu qabsaday xulka qarankiisa.

Waxyaabaha lagu xasuusto ayay ugu weyn yihiin inuu Lionel Messi ka dhigay kabtanka xulka qaranka xilli uu kaliya 40 ciyaarood saftay oo ay joogeen xiddogo badan oo ka mudnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More