Tababare Quique Setien Oo Dacwad Ka Gudbiyey Kooxdii Shaqada

Quique Setien ayaa dacwad ka gudbiyey kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu ku eedeeyey inay jabiyeen heshiiskii u dhaxeeyey ee ahayd inay fuliyaan markii ay shaqada ka caydhiyeen xagaagii.

Tababarahan reer Spain oo bishii December ee sannadkii hore shaqada ka beddelay Ernesto Valverde ayaa kaliya soo gaadhsiiyey naadiga dhamaadkii xili ciyaareedka, waxaana shaqada laga eryey markii ay Bayern Munich sida bahdilaadda ah ugu garaacday 8-2 iyo horyaalka LaLiga oo dhamaadkiisii ay Real Madrid kaga guuleysatay.

Kooxda reer Catalonia ayaa xili ciyaareedka hore ku dhamaysatay iyadoon wax koob ah helin oo qatan, jawaabtii maamulku bixiyeenna waxay noqotay inuu shaqadiisa waayo Quique Setien oo uu beddelay Ronald Koeman.

Quique Setien ayaa maxkamada u gudbiyey kiis ka dhan ah Barcelona oo uu ku eedeeyey inay jabiyeen heshiiskii u dhaxeeyey, isal markaana aan illaa hadda la siinin lacagihii uu ku lahaa ka hor intii aan la eryin.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, tababare Quique Setien ayaa doonaya in la siiyo magdhow la xidhiidha jabinta heshiiska ay ku kacday Barcelona iyo lacagihii uu u jidaynaya qandaraaskaas ee uu xaqa u lahaa.

Warkan ayaa soo baxaya xilli ay ku-xigeennadiisii oo la kala odhan jiray Eder Sarabia, Fran Soto iyo Jon Pascua ay dhamaantood sheegeen in lacagahoodii aan la siinin, ayna ka doonayaan Barcelona in si degdeg ah loo siiyo.

Saddexdan tababare ku-xigeen ayaa doonaya mushahar dhawr bilood ah oo soconayay illaa laga soo gaadhayay November 6 oo uu heshiiskii ay kooxda kula jireen dhigayay inay ku jiraan liiska mushaharka kooxda.

Dacwadda Quique Setien ayaa imanaysa xilli ay Barcelona ku jirto dhibaato dhaqaale oo ba’an, isla markaana ay usbuucan horraantiisii shaacisay inay mushahar dhimis sameeyeen ciyaartoygeedu, isla markaana 172 milyan oo Euro ay ka dhintay kharashkeedii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More