Tababaraha Ay burisay PSG ayaa loo magacaabay Koox Caan ah

Tababaraha Paris Saint-Germain Thomas Tuchel ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Premier League.

Thomas Tuchel, oo laba sano iyo bar joogay PSG, kaasoo ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​labo horyaalka faransiska iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore, inta aan la ceyrin.

Laakiin warar durba soo baxaya ayaa sheegaya inuu durbaba shaqo ka helayo Premier League, iyadoo koox weyn ay dooneyso inay la wareegto xilka tababarenimo madaama ay ka fiirsanayaan inay ceyriso tababarahooda dhibaataysan.

PSG ayaa la rumeysan yahay inay magacaabayaan tababarihii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino, kaasoo la sheegay inuu qorsheynayay kulan maanta, mana jiraan wax caqabad ku ah magacaabistiisa saacadaha soo socda.

Ka dib markii PSG laga ceyriyay Thomas Tuchel, Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u aragto bedelka Mikel Arteta.

Arteta ayaa la rumeysan yahay inuu mas’uul ka sii ahaan doonin Arsenal haddii uusan ku guuleysan kulanka Chelsea ee ka dhacaya Emirates Stadium Sabtida iyo Ciyaarta xigta ee Brighton ee maalinta Talaadada.

Gunners ayaa qaadatay xilli ciyaareedkoodii ugu xumaa tan iyo 1974 iyaga oo aan wax guul ah gaadhin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay, waxayna haatan u muuqataa in Arteta iyo ciyaartoyda kooxda ay is khilaafsan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More