Tababaraha Cusub Ee Actual Madrid Magacaabayso, Messi Oo Kusii Jeeda Man
Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.
Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Axad ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:
Tababaraha Actual Madrid ee Zinedine Zidane ayaa u sheegay ciyaartoyda kooxdiisa in uu shaqada ka tegii doono dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Objective.)
Actual Madrid ayaa doonaya tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti in uu beddelo Zidane. Hore ayuu Ancelotti u layliyey Actual Madrid oo uu la qaaday Champions League sannadkii 2014. Waxa kale oo ay doonaysaa Madrid tababarihii hore ee Juventus ee Massimiliano Allegri. (Mirror)
Manchester Metropolis ayaa la sheegay in uu lasoo saxeexanayso Lionel Messi oo 33 jir ah, isla markaana ay toddobaadkii siinayso mushahar cashuur la’aan ah oo dhan £500,000 Gini. (The Solar)
Manchester United waxay doonaysaa laacibka dhexe ee Paul Pogba oo 28 jir ah, in uu saxeexo qandaraas cusub, laakiin waxay ka walaacsan yihiin gunnooyinka wakiilkiisa Mino Raiola, waxayna ka doonaysaa in uu caydhiyo wakiilkiisa. (Mirror)
Everton waxay isku diyaarinaysaa in ay iibiso difaaca reer England ee Mason Holgate oo 24 jir ah, si ay lacagtiisu qayb uga noqoto maaliyadda ay kusoo iibsanayso Kalidou Koulibay oo 29 jir Napoli u icyaara ah. (Soccer Insider)
Weeraryahanka Lyon iyo xulka Netherlands ee Memphis Depay oo 27 jir ah, ayaa qarka u saaran in uu ku biiro Barcelona. (L’Equipe)
Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo 32 jir ah, waxa bartilmaameedsanaysa Paris Saint-Germain, xilli la sheegayo in uu ka tegayo Bayern Munich. (L’Equipe)
Liverpool waxay go’aansatay in aanay heshiis rasmi ah la gaadhin difaaca reer Turkey ee Ozan Kabak xagaagan. 21 jirkan ayay bishii February heshiis amaah ah kaga soo qaadatay Schalke. (The Solar)
Arsenal ayaa rajaynaysa in ay Manchester Metropolis ku garaacdo saxeexda 31 jirka difaaca bidix ee Ryan Bertrand oo Southampton iskaga tegaya marka uu dhamaado qandaraaskiisu bisha June. (Mail)
Newcastle United waxay dusha kala socotaa 22 jirka Leeds United iyo Wales ee Tyler Roberts. (Soccer Insider)
West Ham waxay danaynaysaa in ay lasoo wareegto goolhayaha West Brom ee Sam Johnstone oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Tottenham. West Brom oo u dhacday heerka labaad ayaa la filayaa in uu ka tago Johnstone. (Soccer Insider)
Tababaraha culaysku saaran yahay ee Barcelona ee Ronald Koeman ayaa la kulmay madaxweynaha kooxdaas ee Joan Laporta, waxaanay mar kale kulmi doonaan dhamaadka xilli ciyaareedka si go’aan looga gaadho mustaqbalkiisa. (Objective)
Eintracht Frankfurt waxay doonaysaa in ay tababaraheeda cusub u magacowdo halyeygii Actual Madrid ee Raul. (Marca)
Actual Madrid ayaa doonaysa laacibka khadka dhexe ee reer France ee Edouardo Camavinga oo u ciyaara Rennes. Waxa kale oo 18 jirkan xiisaynaysa Arsenal. (Marca)
Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa la socda xaaladda laacibka ku dhashay Canada ee u ciyaara xulka qaranka da’yarta England ee U-18 ee Daniel Jebbison oo ah 17 jir u ciyaara Sheffield United. (90 min)