Tababaraha Barcelona Oo Weerar Ku Qaaday Xidhiidhka Kubadda Cagta UEFA

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa weerar ku qaaday xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, waxaanu ku eedeeyey in walaacooda iyo arrimaha ay danaynayaan ay noqdeen kaliya lacag.

Tiro kooxo ay ku jiro Barcelona oo toddobaadkan samaystay tartan loogu magac daray European Super League ayaa uu ka burburay, waxaanu ahaa hadal-haynta ugu badan ee  maalmihii ugu dambeeyey taagnaa, halka UEFA ay iyaduna aliftay qaab cusub oo loo ciyaarayo tartanka Champions League oo ay kordhisay tirada kooxaha ka qayb-geli doona oo noqon doona 36 naadi iyo qaabkii loo ciyaarayay oo isbeddel lagu sameeyey.

Ronald Koeman oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in UEFA aanay dan ka lahayn ciyaartoyda oo aanay dhegaysanayn tabashooyinkooda, isla markaana aanay waxba weydiinayn tababareyaasha.

“Maaha wax la rumaysan karo waxa ciyaartoydu ay u baahan yihiin in ay ciyaaraan sannadihii ugu dambeeyey dhamaan tartamada. Qof kasta waxa uu ka hadlayaa Super League ama Champions League-ga cusub ama si kale oo loo ciyaarayo Yurub.” Ayuu yidhi Koeman oo ka hadlayay shir jaraa’id.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Koeman intaa ku daray: “UEFA in badan ayay hadlaysaa laakiin waxba ma samaynayso ama ma dhegaysanayso dadka kubadda cagta, kamana dhegaysanayso tababareyaasha iyo ciyaartoyda tirada ciyaaraha. Waxa ugu muhiimsan ee ay UEFA ka hadlaysaa waa lacag.

“Xataa Spain, tirada kulamada aanu u baahanahay in aanu ciyaarno – berri waxaanu ciyaaraynaa 10pm, taasina maaha mid ciyaartoyda dan u ah.

“Waxa ugu muhiimsan waa in ciyaartoyda kubadda cagta la ilaaliyo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More