Taageereyaasha Real Madrid Oo Dalbaday In 10kan Ciyaartoy Laga Fasaxo

Real Madrid ayaa haysata ciyaartooyo tiro badan oo qaarkood ku maqan yihiin amaah, kuwo kaydka ku jira iyo ciyaartooyda rigliga ah ee ay ku dagaal gelayso.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa laga sugayaa inuu go’aan ka qaato ciyaaryahannada ay muuqato in aanay waxtar badan u yeelanayn kooxda iyo kuwa kale ee tiro-dhaafka ah ee ka baxsan intii uu sharcigu u ogolaa in loo diiwaangeliyo xilli ciyaareedka.

Kaddib saxeexii David Alaba iyo damaca kooxda ee ah inay hesho Kylian Mbappe, tababare Carlo Ancelotti ayay tirada ciyaartoydiisu noqonayaan 35 ciyaartoy, waxaana dheeraad ku ah 10 laacib intii sharci ahaan loogu diiwaangelinayay xilli ciyaareedka. Tani waxay ka dhigan tahay, in toban laacib laga dirayo kooxda.

Ciyaaryahannadan ayaa badankoodu kasoo laabanayaan amaah, waxaase jira kuwo kale oo kaydka kooxda ku jiray xilli ciyaareedkii hore oo haddana ay muuqato in boosas joogto ah aanay helaynin.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa afti ka qaatay taageereyaasha Real Madrid, waxaanay soo doorteen ciyaaryahannada ay tahay in kooxdu ay dirto xagaagan.

Ciyaaryahanadda ay jamaahiirtu doonayaan in kooxda laga diro waxa ugu horreeya laacibka khadka dhexe ee reer Spain ee Dani Ceballos oo kasoo laabtay Arsenal oo uu amaah ugu maqnaa. Waxa kale oo ku jira Luka Jovic, Gareth Bale, Jesus Vallejo, Borja Mayoral, Take Kubo iyo Reinier Jesus oo dhamaantood amaah kasoo laabanaya. Isco, Marcelo iyo Mariano Diaz ayaa iyaguna ku jira liiska ciyaartoyda  taageereyaashu ka caawinayaan kooxdooda in ay go’aan ka qaadato.

Ciyaaryahannada loo arko kuwa mustaqbalka ee Los Blancos ay amaahda kusoo carbinayso ee Reinier iyo Kubo ayaa la filayaa in amaaho kale lagu bixiyo, balse Bale, Mayoral iyo Jovic ayaa la saadaalinayaa in kooxda ay si rasmi ah uga tagaan.

Ciyaaryahanadda kale ee amaahda kasoo laabanaya ee Martin Odegaard iyo Brahim Diaz ayay taageereyaashu doonayaan inay sii joogaan kooxda oo ay qayb ka ahaadaan xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya.

Codbixinta ayaa sidoo kale muujisay, in taageereyaashu doonayaan in ciyaaryahannada da’yarta ah ee Miguel Gutierrez, Sergio Arribas, Victor Chust iyo Antonio Blanco ay qayb ka noqdaan kooxda koowaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More