Stan Kroenke Oo Ku Wargeliyey Mikel Arteta In Aanu Ciyaartooyo Cusub U
Mulkiilaha Arsenal ee Stan Kroenke ayaa la sheegay in uu go’aamiyey in aanu wax lacag ah u dhiibin tababare Mikel Arteta si uu suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ugaga soo adeegto.
Gunners oo ka mid ahayd lix kooxood oo Premier League ah oo qayb ka ahaa tartankii fashilmay ee Tremendous League, waxay ka cabanaysaa dhaqaale xumo ku habsatay iyadoo burburkii ku yimid tartanka ay hindiseen ay ku waayeen dhaqaale badan oo ay heli lahaayeen.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa sidoo kale ganaax kusoo rogay sagaal kooxood oo tartankan ESL iskaga baxay, kuwaas oo mid walba ay bixin doonto £1.44 milyan oo ganaax ah.
Laakiin waxa jira ganaax kale oo ay suurtogal tahay in ay la kulmaan naadiyadani maadaama ay ka baxeen tartankaas.
Mulkiileyaasha Maraykanka ah ee Arsenal, Manchester United iyo Liverpool ayaa ballan-qaaday in ay jeebaddooda ka bixin doonaan lacagaha ganaaxa ah ee laga doonayo, taas oo aan laga saari doonin qasnadda kooxahooda.
Arsenal oo kaalinta tobnaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa waxa kale oo ay waayeysaa lacagihii ay ka heli lahayd Champions League ama Europa League oo ay ka maqnaan doonto xilli ciyaareedka dambe, taasina waxay keeni doontaa in Stan Kroenke aanu jeebaddiisa lacag ka siinin kooxda si ay ciyaartooyo ugu soo iibsato.
Sababta ayaa waxay tahay, in haddii uu lacag uu isagu leeyahay uu geliyo kooxda, in uu dheelli ku iman doono dakhliga iyo kharashka taasna ay kooxdu ku mutaysan karto ganaax kaga yimaadda xidhiidhka kubadda cagta Yurub iyo ka Ingiriiska, maadaama ay jabinayaan sharciga dhaqaale wanaagga ee FFF.