Solskjaer Oo Shax Bedelkii Jamaahiirta Man United Sugayeen Samaynaya,

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa inuu samayn doono shax bedel cusub xilli ciyaareedka dambe isaga oo doonaya inuu wax ka bedelo hanaankii uu hore kooxdiisa ugu ciyaarsiin jiray.

Sida uu sheegayo wargeyska ESPN, Solskjaer ayaa u guuraya shaxda 4-3-3 ee weerarka raacsan isaga oo ka guuraya 4-2-3-1 oo uu mudo soo adeegsanayay.

Warbixinta ESPN ayaa sheegaysa in tababaraha ree Norway uu kala dhantaalayo xiddigaha Fred iyo Scott McTominay oo ahaa lamaanahiisa khadka dhexe ee uu aaminsan yahay.

Solskjaer ayaa doonaya inuu kaliya hal khad dhexe oo kubad bur-buriye ah ku ciyaaro si uu hal shax ugu wada adeegsan karo Jadon Sancho, Bruno Fernandes iyo Paul Pogba oo uu ka daynayo booska garabka weerar ee uu xilli ciyaareedkii hore kulamo badan kasoo ciyaarsiiyay.

ESPN ayaa intaas ku daraysa in ay United waajib ku tahay inay la saxeexato daafac dhexe oo ku wanaagsan baaska iyo kubad haysashada waxaana bar-tilmaameedka koowaad ee Red Devils uu yahay Raphael Varane oo Real Madrid ka tirsan.

Jamaahiirta Man United ayaa ku dooda in Fred iyo McTominay ay hayaan shaqadii uu hal khad dhexe oo bur-buriye ahi qaban lahaa isla markaana ay caqabad ku yihiin in Pogba khadka dhexe ka ciyaaro.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More