Solskjaer Oo Ku Hanjabay In Ciyaaryahanadda Kaydka & Da’yarka Uu Safi
Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa cabasho ka muujiyey jadwalka kulamada horyaalka Premier League ee kooxdiisu gelayso, xilli ay sidoo kale isku diyaarin doonto finalka Europa League oo ugu beegmaya maalmo kooban kaddib marka horyaalka la dhamaystiro.
Purple Devils ayaa waqtiga u dhexeeya kulamada u hadhay uu noqday mid aad u kooban kaddib markii ay baaqatay ciyaartii Liverpool ee toddobaadkii hore oo taageereyaal tiro badan ay qasab ku joojiyeen.
Shan maalmood gudahood ayay Manchester United ciyaari doontaa saddex kulan oo Premier League ah, kuwaas oo ay ku jirto ciyaarta Liverpool oo dib loogu muddeeyey Khamiista soo socota.
Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlay kulamadan ayaa waxa uu ku hanjabay in uu ciyaarsiin doono kooxdiisa kaydka maadaama laacibiinta joogtada ah aanay awoodi karin in ay shan maalmood saddex kulan ciyaaraan.
“Waa wax aan la maqli karin. Isku-aadka waxa sameeya dad aan waligood ciyaarin kubad heerkan ah.” Ayuu yidhi Solskjaer.
“Jidh ahaan suurtogal uma ciyaartoyda in ay ciyaaraan Axadda, Salaasada iyo Khamiista, macquulna maaha.” Ayuu ku daray.
Manchester United ayaa Axadda la ciyaari doonta Aston Villa oo ay marti ugu noqon doonto Villa Park, waxaana ugu xigaysa Leicester Metropolis oo ay Salaasada ku marti gelin doonaan Outdated Trafford.
Labadan ciyaarood ayaa ah kuwo aad u adag, iyadoo Villa oo haysata ciyaartooyo wanaagsan ay u halgami doonto in ay saddexda dhibcood ku qaadato garoonkeeda, halka Leicester Metropolis oo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalku ay ogtahay in ay lumin doonto booskeeda haddii ay guul ka keeni weydo Outdated Trafford oo ay Chelsea ka sare mari doonto.
Marka ay labadan kooxood soo kala dhamaadaan, ciyaartoyda Manchester United oo nastay Arbacada oo kaliya ayaa waxay Outdated Trafford kula ciyaari doonaan Liverpool, waana kulankii ay hore taageereyaashu ugu baajiyeen mudaharaadka, kaas oo mar kale uu shaki ku jiro.