Sir Alex Ferguson Oo Magacaabay LABO Xiddig Oo Waqtigan Ciyaara Oo Uu

Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo waqtigan ku jira garoomada oo uu jeclaan lahaa in uu tababare u noqdo, kuwaas oo nasiibku u diiday in ay gacantiisa soo galaan.

Sir Alex Ferguson ayaa hawl-gab ka noqday shaqada tababarenimo siddeed sannadood ka hor, waxaana waqtigii uu macallinka ahaa uu soo layliyey ciyaartooyo waaweyn oo guulo badan soo hooyey.

Laakiin laba xiddig oo ka ciyaara horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa uu isaga oo garoomada ka fadhiistay ku taamayaa in ay mar uun gacantiisa soo geli lahaayeen.

Manchester United ayaa sannadkii 2012 waxa niyad-jab ku noqday qaabkii ay Manchester City ugaga guuleysatay horyaalka iyadoo uu Sergio Aguero dhaliyey gool kulankii ugu dambeeyey siiyey City guusha koobka, kaas oo noqday goolka ay is-dheer yihiin ee labada kooxood ku kala saaray horyaalka.

Sergio Aguero oo Manchester City yimid sannadkii 2011 ayaa waxa kulankii ugu horreeyey waxay kooxdiisu ku tumatay United oo ay ku garaacday 6-1, ciyaartii xigtayna 2-1 ay City ku badisay.

Harry Kane ayaa sidaas oo kale laf dhuun-gashay ugu noqday Manchester United tan, laakiin hadda oo la sheegayo in uu ka tegayo Tottenham ayaa waxay Red Devils ka mid tahay kooxaha ku tartamaya saxeexiisa.

Sir Alex Ferguson ayaa la weydiiyey labadii ciyaartoy ee uu jeclaan lahaa in uu tababare u noqdo ka hor intii aanu ciyaaraha ka fadhiisanin, waxaana uu markiiba lasoo booday Sergio Aguero oo isaguna hadda kasii tegaya Manchester City kaddib toban sannadood oo uu u ciyaarayay.

Laacibka labaad ayaa uu ku tilmaamay Harry Kane oo waqtigii uu shaqada kasii fadhiisanayay ahaa ciyaartoy da’yar oo aan aad loogu xisaabtamaynin.

Waxa kale oo uu Sir Alex Ferguson amaan u jeediyey weeraryahanka kale ee Tottenham ee Son Heung-min.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More