“Sideed U Aragtaa Kulamada Liverpool Iyo
Waxa laga joogaa mudo bil ah tan iyo markii uu da’yarka Real Madrid ee Rodrygo Goes kasoo laabtay dhaawac halis ah oo uu mudo ku maqnaa, haatan oo la gelayo qaybtii ugu muhiimsanayd xilli ciyaareedka ayuu xiddiga ree Brazil sheegay sida ay kooxdiisu u doonayso inay si fiican u ciyaarto oo ay guuleysato.
Real Madrid ayaa marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah ugu horreynba la ciyaaraysa Eibar kahor inta aysan tijaabo rasmi ah ku marin kulamo ay kahor tagayso Liverpool oo Champions League ah iyo mid muhiim u ah horyaalka La Liga oo ay Barcelona soo dhawayn doonaan.
Rodrygo oo Real Madrid TV la hadlay dhawaan ayaa sheegay in kulamadaasi ay yihiin kuwo kooxda siiya dareen kuwa kale ka duwan isla markaana ay doonayaan inay ciyaar wanaagsan ku guuleystaan.
Da’yarka ree Brazil ayaa yidhi isaga oo maalmaha muhiimka ah ee sugaya Los Blancos ka hadlayay “kulamadani waxay na siiyaan dareen ka duwan kuwa kale, laakiin anagu waxaanu doonaynaa inaanu si wanaagsan u ciyaarno oo aanu guuleysano, kulan kastaa waa muhiim inkasta oo ay kuwani wax yar ka muhiimsan yihiin, kulamadan waa kuwa ugu khaas san”
Real Madrid ayaa dhinaca kale dunida kaga yaabsatay sida ay u awooday inay kusoo dhawaato oo ay horyaalka La Liga kula tartamaan Atletico Madrid oo markii hore xoog uga fogayd.
Haatan Real ayaa kaliya lix dhibcood ka dambaysa kooxda hoggaanka u haysa La Liga ee Atletico Madrid waxaana uu Rodrygo sheegay inay waxkasta u samayn doonaan si ay horyaalka u difaacdaan markale.
“Qofkasta wuu arkayaa in aanaan is dhiibi doonin, waanu dagaalami doonaa ilaa dhammaadka, muhiim maaha inta dhibcood ee aanu u baahanahay, markasta waanu dagaalami doonaa ilaa daqiiqada ugu dambaysa”