Shaxdii Real Madrid Ay Caawa Kala Hortageysay

Real Madrid waxaa soo wajahay dhabarjab xoogan maanta ka hor kulanka caawa ee Liverpool madaama Raphael Varane looga saaray kooxda inuu ku dhacay Korona Fayras.

Waxay taasi ka dhigan tahay in tababare Zidane ay ka maqan yihiin labadiisa daafac dhexe ee ugu waa weynaa Varane iyo Sergio Ramos oo isna ku maqan dhaawac kubka ah.

Iyadoo Liverpool ay u badan tahay inay ciyaarsiin doonto ugu yaraan seddex ka mid ah Roberto Firmino, Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Diogo Jota, daafac liita oo Real Madrid ah waa dhibaato weyn oo soo wajahday tababare Zidane.

Labada daafac dhexe ee taamka u ah tababare Zidane waxay kala yihiin Nacho Fernandez iyo Eder Militao, waxaana xusid mudan in daafaca midig Dani Carvajal inuu isna dhaawac ku maqan yahay.

Kulamada waa weyn waa ay adag tahay in tababaraha Faransiiska uu ka tanaasulo shax ciyaareedkiisa 4-3-3, laakiin kulanka caawa qasab ayay ku noqon kartaa inuu ka tanaasulo tashkiiladaas.

Sabtidii la soo dhaafay kulankii Eibar, Los Blancos waxay ku ciyaartay seddex daafac dhexe oo kala ah Eder Militao, Nacho iyo Ferland Mendy iyadoo Varane kulankaas la nasasiiyay.

Zidane waxaa laga yaabaa inuu shaxdaas oo kale ku ciyaaro kulanka caawa iyadoo Mendy uu noqonayo daafaca dhexe ee garabka bidix halka Marcelo uu markaas fursad u heli doono inuu garabka bidix ka dheelo.

Lucas Vazquez ayaa isna ceshan doona booskiisa garabka midig, ka dib waxaa su’aal ka taagan tahay sida uu Zidane u safi karo ciyaartoyda kale madaama uu adeegsaday isbuucyadii ugu danbeeyay shax ciyaareedka 3-5-2 iyo 3-4-2-1.

Ugu yaraan khadka dhexe ayaa ah meel ay ka adag yihiin iyadoo Casemiro, Luka Modric iyo Toni Kroos ay intuba taam yihiin halka weerarka uu hogaamin doono Karim Benzema iyadoo uu wehlin doono midkood Vinicius Jr ama Marco Asensio.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More