Shaxda Xulka Qaranka England Ee Caawa Oo Qish Laga Helay & Xiddigaha

Bukayo Saka ayaa kusoo bilaaban doona shaxda koowaad ee xulka qaranka England ee caawa oo semi-finalka tartanka Euro 2020 ay la ciyaarayaan Denmark.

Qish ay heshay warbaahintu ayaa muujinaya da’yarka Arsenal ee Bukayo Saka oo dhaawac kuraanta ah kaga maqnaa ciyaartii Ukraine ay 4-0 ku xasuuqeen, in uu ciyaarta caawa ku jiro liiska ciyaartoyda uu tababare Gareth Southgate kusoo bilaabi doono.

Jadon Sancho oo Manchester United ay 73 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Borussia Dortmund ayaa ciyaartii hore kusoo bilowday, waxaanu sameeyey bandhig heersare ah, laakiin ma gaadhsiisnayn heerkii Bukayo Saka ee kulamadii Czecb Republic iyo Germany.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegay, in Sancho uu kaydka geli doono oo uu Bukayo Saka beddelayo, sidoo kalena Phil Foden iyo Jack Grealish ay noqon doonaan beddel suge oo aanay haysanin wax fursad ah marka laga yimaaddo inay beddel kusoo galaan.

Qishkan ayaa muujinaya in Gareth Southgate uu kusoo geli doono shax ka kooban 4-2-3-1, waana shaxdii ay kula ciyaareen Jarmalka wareeggii 16ka.

Southgate ayaa u baahanaya ciyaartooyo dhaqaaq badan oo marba boos tegaya, maadaama hannaanka ciyaareed ee Denmark uu yahay mid isku xidhan oo adag, isla markaana ay dhibaatoon doonaan xiddigaha aan guur-guurin.

Harry Kane iyo Raheem Sterling ayaa labaduba kusoo bilaaban doona ciyaartan, waxaanay rajaynayaan in ay kordhistaan min saddexda gool ee ay leeyihiin iyaga oo hiigsanaya in ay soo qabtaan Cristiano Ronaldo iyo Schich oo min shan gool dhaliyey.

Shaxda England ee caawa ee ay warbaahinta Ingiriisku daabacday:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More