Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Shakhtar Donetsk –

Ka dib guuldaradii niyadjabka laheyd ee ka soo gaartay horyaalka La Liga, Real Madrid ayaa u baahan guul ay ku bilowdaan xilli ciyaareedkooda Champions League.

Tababare Zidane ayaa u baahan inuu duufaanta ku soo socota ee kulanka El Clasico ku sii qaboojiyo kulanka Shakhtar ay caawa martigelinayaan.

Real Madrid waxaa saameyn xoogan ku yeeshay xiddigo waa weyn oo dhaawacyo kaga maqan.

Eden Hazard ayaa weli dhaawac ah iyadoo aan la ogeyn waqtiga uu soo laabanayo. Tababare Zidane ayaa shalay sheegay in dhaawaca xiddiga reer Belgium inuu ka xun yahay sidii markii hore laga baqayay.

Kulankaan waxaa sidoo kale seegaya kabtanka Sergio Ramos oo dhaawac uu soo gaaray isbuucaan halka Dani Carvajal iyo Alvaro Odrioziola ay sidoo kale ku jiraan liiska dhaawacyada.

Tababare Zidane ayaa isbedelo kale sameeyay iyadoo Benzema uu kursiga keydka fadhiya madaama El Clasico ay soo socota iyadoo Rodrygo, Jovic iyo Asensio ay ka ciyaarayaan weerarka.

Shakhtar Donetsk ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay Korona Fayras iyadoo toban ka mid ah xiddigahooda ay ku seegayaan kulanka caawa ee garoonka Alfredo de Stefano sababo la xiriira Korona Fayras.

SHAXDA RASMIGA AH:

Real Madrid: Courtois; Mendy, Militao, Varane, Marcelo; Modric, Casemiro, Valverde; Asensio, Jovic, Rodrygo.

Shakhtar Donetsk: Trubin; Dodo, Khocholava, Bondar, Korniienko; Marlos, Maycon, Tete, Marcos Antonio, Solomon, Dentinho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More