Shaxda Rasmiga Ah Ee Man Metropolis vs PSG – Guardiola Oo Aan Waxba La

Manchester Metropolis iyo Paris Saint-Germain ayaa ku sugan gudaha garoonka Etihad Stadium iyagoo ku kala baxaya semi-finalka Champions League oo ay midkood u gudbi doonto finalka.

PSG oo lugtii hore ee garoonkeeda lagaga soo badiyey 2-1 ayaa waxa dhaawac kaga maqan weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo kaydka ku jira, waxaana beddelay Mauro Icardi. Waxa kale oo kulankan kusoo bilowday Andre Herrera oo beddelay Idrissa Gueye oo kaadh cas la siiyey ciyaartii hore.

Neymar Jr., Marco Verratti iyo Angel Di Maria ayaa iyaguna kusoo bilowday, waxaana soo raaca Paredes, halka Marquinhos iyo Kimpembe ay difaaca wada taagan yihiin.

Dhinaca kale, Manchester Metropolis ayay ugu soo bilowdeen Kevin de Bruyne, Riyad Mahrez iyo Phil Foden, waxaana dhexda ka taageeraya Bernardo Silva iyo Ilkay Gundogan halka uu Fernandinho uu beddelay Rodi.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester Metropolis XI: Ederson, Walker, Dias, Stones, Zinchenko, Fernandinho, Gundogan, Mahrez, Bernardo Silva, Foden, De Bruyne.

Kaydka: Steffen, Carson, Ake, Sterling, Jesus, Aguero, Laporte, Rodri, Torres, Mendy, Cancelo.

PSG XI: Navas, Florenzi, Kimpembe, Marquinhos, Diallo, Verratti, Paredes, Herrera, Di Maria, Icardi, Neymar.

Kaydka: Rico, Randriamamy, Kehrer, Mbappe, Rafinha, Danilo, Kean, Sarabia, Kurzawa, Draxler, Bakker, Dagba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More