Shaxda Rasmiga Ah Ee Man City vs Borussia Dortmund – Yaa Kusoo

Manchester City ayaa garoonkeeda kusoo dhoweynaysa Borussia Dortmund oo ay garoonka Etihad Stadium ku wada ciyaarayaan lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Champions League.

Pep Guardiola ayaa shan isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Leicester City Sabtidii ee guusha 2-0 ah soo hooyey, waxaana si lama filaan ah shaxda koowaad looga waayey Raheem Sterling oo kaydka kusoo bilowday, kaas oo laga door biday Phil Foden.

Riyad Mahrez ayaa booskiisa xajistay oo mar kale muujiyey in uu haysto kalsoonida tababare Pep Guardiola, waxaanay iska garab ciyaarayaan Bernardo Silva oo ciyaartii Leicester nastay. Khadka dhexe ayey kusoo wada bilowdeen Kevin de Bruyne, Ilkay Gundogan iyo Rodri.

Difaaca ayay wada taagan yihiin Joao Cancelo, John Stones, Dias iyo Walker.

Borussia Dortmund ayay iyagana uu ugu doo bilowday weeraryahanka indhuhu hayaan ee Erling Haaland oo ay caawinayaan Marcus Reus iyo Knauff, halka dhexdana uu taagan yahay da’yarka reer England ee Bellingham oo ay iskaashanayaan Dahoud, iyo Can.

Difaaca ayay wada taagan yihiin Guerreiro, Akanji, Hummels iyo Morey.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester City XI: Ederson, Walker, Dias, Stones, Cancelo, Rodri, Gundogan, Bernardo, Foden, Mahrez, De Bruyne

Kaydka: Steffen, Trafford, Ake, Sterling, Jesus, Aguero, Zinchenko, Laporte, Torres, Mendy, Fernandinho, Garcia

Borussia Dortmund XI: Hitz, Morey, Hummels, Akanji, Guerreiro, Can, Dahoud, Bellingham, Reus, Knauff, Haaland

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More