Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka West Ham United vs
Kooxaha ree London ee West Ham United iyo Arsenal ayaa fiidnimadan isku faro saaraya gegida London Stadium kulan Derby ah xilli ay labada kooxoodba wali nool yihiin rajooyinkooda ah inay ku dhammaystaan afarta kaalmood ee ugu sarreeya Premier League.
- Advertisement -
Rajo ahaan Hammers ayaa ka fiican Gunners maadaama oo ay kaliya saddex dhibcood u jiraan kooxda booska afraad ee Chelsea halka ay Arsenal 10 dhibcood u jiraan booskaas balse labada kooxoodba kulanka caawa ayaa baaqi u ah.
Mikel Arteta ayaa kulankan si lama filaan ah ugu soo bilaabay Chambers oo daafaca midig kaga soo hormaray Cedric halka Bellerin uu gabi ahaanba maqan yahay, Mari iyo Luiz ayaa lamaane ku ah daafaca dhexe halka Aubameyang iyo Lacazette ay weerarka wada joogaan.
Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood