Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Liverpool vs Wolves – Klopp Oo

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield waxay ku qaabilaysaa kooxda adag ee Wolves xilli ay dersin ciyaartooyo ahi kaga maqan yihiin dhaawacyo.

- Advertisement -

Tababare Jurgen Klopp oo ogsoon in kaalinta saddexaad ay u dhacday kooxdiisu ayaa kusoo bilaabay shax adag si ay hoggaanka ula wadaagi karaan Tottenham oo laba dhibcood ka horreysa Chelsea kaddib guushii ay ka gaadheen Arsenal.

Roberto Firmino ayaa difaaca dhexe kula soo bilowday laacibka reer Cameroon ee Joel Matip, waxaana dhinaca bidix taam usoo noqday Robertson kaddib jug kasoo gaadhay ciyaartii Ajax, hase yeeshee dhinaca midig ee difaaca ayuu mar kale xajisanayaa Williams.

Jones ayaa dib ugu soo laabtay khadka dhexe, waxaanu la wadaagayaa Jones, Jordan Henderson iyo Georginio Wijnaldum.

Weerarka ayaa laga tuuray Diogo Jota oo ahaa xiddigii goolasha ugu badan usoo dhalinayay kooxdiisa usbuucyadii tegay, waxaana mar kale kusoo wada bilowday Sadio Mane, Mohamed iyo Roberto Firmino.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

LIVERPOOL XI: Alisson, Williams, Fabinho, Matip, Robertson, Henderson, Wijnaldum, Jones, Mane, Firmino, Salah.

Kaydka: Adrian, Keita, Minamino, Jota, Tsimikas, Phillips, Alexander-Arnold.

WOLVES XI: Patricio, Semedo, Boly, Coady, Marcal, Neves, Moutinho, Dendoncker, Podence, Neto, Traore.

Kaydka: Ruddy, Hoever, Ait-Nouri, Silva, Vitinha, Saiss, Kilman.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More