Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Isha 19:05
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali Region President Criticizes Claims of Exclusive Ownership Over Past Struggles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Rasmiga ah ee Kulanka Barcelona vs Alaves – Xiddigaha

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Tababare Ronald Koeman ayaa laba guul-darro kaddib waxay kooxdiisu marti u tahay Alves oo ay ka doonayaan inay u noqoto ciyaartii ay ugu soo laaban lahaayeen jidka guusha ee horyaalka LaLiga, waxaanu lasoo shir-tagay shax adag oo qaab weerar ku ciyaaraysa.

Barcelona ayaa garoonka kusoo gelaysa qaab 4-2-3-1 ah oo uu afka hore hoggaaminaya Antoine Griezmann, waxaana dhabarka ka taageeraya Lionel Messi, Ansu Fati iyo Ousame Dembele oo mar kale kusoo bilowday.

Philippe Coutinho oo dhaawac ah ayaa waxa booskiisa ka ciyaaraya Dembele, hase yeeshee Fati ayaa booska ka riixday Pedri oo kaydka kasoo muuqda kaddib laba ciyaarood oo uu wacdaro ka dhigay garoomada.

Khadka dhexe ayay taagan yihiin Sergio Busquets iyo De Jong oo kubadda ku quudinaya xiddigaha ka horreeya, iyadoo ay kooxdooduna u baahan tahay inay hesho guul ay dib ugu soo ceshato niyaddeeda LaLiga oo ay kaalinta 12aad kaga jirto.

Goolhaye Ter Stegen oo kasoo laabtay dhaawac ayaan qayb ka ahayn ciyaartan, waxaana uu xataa ka maqan yahay laacibiinta beddelka ku jira.

Saxeexa cusub ee Sergio Dest ayaa kaydka kula jira Firpo, Pjanic, Alena, Pedri, Trincao iyo Braithwaite.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

BARCELONA XI: Neto; Roberto, Piqué, Lenglet, Alba; Busquets, De Jong; Dembélé, Messi, Fati; Griezmann (4-2-3-1)

Kaydka Iñaki Peña (GK), Arnau (GK), Dest, Firpo, Pjanic, Aleñá, Pedri, Trincão, Konrad, Braithwaite

ALAVÉS XI: Pacheco; Méndez, Navarro, Laguardia, Lejeune, Duarte; Jota, Battaglia, Pina, Rioja; Deyverson (5-4-1)

Kaydka: Sivera (GK), Rodríguez, Ely, Pérez, Joselu, Guidette, Marín, Burgui, García, Martín, Sainz, Tavares

How do you rate this story?

0 votes